Dowro diini ah oo lagu soo gabagabeeyey magaaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.[Masawiro]
June 27, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dowro cilmiyeed loo qabtay ardayda ku dhaqan magaalda gaalkacyo, iyadoo ay u fariisteen imtixaankii ugu dambeeyay arday 100 gaaraya, dowradaan oo ay sooqaban qaabisay mu’asasada Al-Minhaaj kana socotay masaajidda kala ah Masjidu Ramadaan iyo Badar ,dowradaan oo bilaabatay 02-06-2014 ayaa loogu tala galay in looga faa iideeyo arday fasaxa ku jira ee iskuuladii loo xiray waqtigooda fasaxa ay leeyihiin , iyagoo qaatay intii ay dowradaas socotay duruus gaaraysa 5 kitaab .
Ardaydaan oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa larajaynayaa in ay wax badan kabadili doonto Dowradaan waxku oolka ahayd ee socotay mudada kusiman 23 bari. Gabagabadii dowrada ayaa Waxaa soo booqday ardayda intii ay ufdhiyeen imtixaanka wafti kasocday mu’sasada Al-Minhaaj Ee dacwada iyo Arimaha Bulshada oo uu hongaaminayay Gudomiyaha mu’sasada Sh: Maxmed Muxamuud Ciise, iyo ku xigeenkiisa ustaad Ciise Siciid Maxamed.
Gudoomiyaha mu,asasada AL-MINHAAj Shiikh Maxamed Maxamuud Ciise ayaa oo ka hadlay goobta ayaa uga mahad celiyay maamulka mu,asasada ee gobolka mudug dowraadkan cilmiga ah oo ay uqabanayaan ardayda, sidoo kale wxa uu intaa ka dib la hadlay ardaydii ka faa,iidaysatay dowradan , isagoo Ugu horayn ardayda ugu hambelyeeyay dadaalkoodii ku aadanaa dowradaa in ay kafaa iidaystaan ,wuxuuna aad ugu adkeeyay in ay cilmiga kaqaataan culumada ayna ixtiraamaan dadka helay dhaxalkii Anbiyada oo ah Culumada ,isagoo kusoo gunaanadad booqashadiisii in dhamaantood kawadashaqeeyaan dacwa alle kuna dhaqmaan waxay barteen.
no images were found
Mussadda Alminhaaj
Galkacyo, Somalia