Geerida Sheekh Usaama maxaa ina kala gudboon?. W/Q: Axmed C/samad
September 6, 2011 - Written byNairobi:-Xilligii nabigeenu (scw) noolaa dhacdooyinkii dunida ka dhacay qaar badan baa Qur’aanku faalleeyay ama rasuulku (scw) ka hadlay, dhacdooyinkaas ha ahaadeen kuwo muslimiinta faraxgalinaya ama kuwo murugo galinaya’e. Dhacdooyinka caalamiga ah ee Qurkaanku faalleeyay waxaa ka mida loolankii dhexmaray Roman-ka iyo Persian-ka oo muslimiintu ay u janjeereen dhinaca Roman-ka oo iyagu Ehlu-kitaab ahaa, cidda ay is hayeena ay Majuus (dab caabud) ahayd. Dhacdooyinka qaarkoodna nabiga iyo asxaabtiisu way la falgaleen, sida: geeridii Asxama oo ahaa Najaashihii Xabashida ee Rasuulka Rumeeyay, asxaabtii Xabashida u haajirtayna soo dhaweeyay. Rasuulku (scw) asxaabta ayuu ku wargeliyey geerida Asxama, wayna ku wada tukadeeen.
Ujeeddooyinka looga hadlayo dhacdooyinka kala duwan ha noqdeen kuwo muslimiinta si toos ah u taabanaya ama kuwo kale’e waxaa ka mida in aanay muslimiintu ka qaadan dhacda daas mowqif diinta khilaafsan, mawqifkaas ha noqdo mid gaboodfal ku dhisan ama mid xadgudub xambaarsan’e. waxaa kale oo looga gol-leeyahay in muslimiintu dhacdadaas ka qaataan waano iyo duruus. Si dadku u waansamaan waa tan keentay in Qur’aanka iyo xadiiska nabigu (scw) ka waramaan qisoooyinkii ummadihii hore.
Haddaba aynu wax ka niraahno geerida Sheekh Usaama innaga oo ka ambaqaadayna ujeeddooyinka aynu soo sheegnay ee islaamku darteed u faalleeyo dhacdooyinkii hore iyo kuwii xilligii uu soo dagayey dhacay. Waxaa kale oo ina ku bixinaya inaynu ka hadalno geerida Sheekha dadka faraha badan ee ka hadlaya geeridiisa oo isugu jira kuwo ku xadgudbay jacaylkiisa iyo kuwo ku xadgudbay nacaybkiisa, dhinaca kalena ay dad badani uga hadlayaan geeridiisa; si ay ugu gaaraan dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale ama ay ugaga takhalusaan dad iyo shucuub ay is hayaan. Arrimahaas oo dhana waxay keenayaan in dad badani ku jaahwareeraan wararka, warbixinaha iyo faallooyinka is baraanbaraya, ayna ugu dambaynta ka qaataan mowqif aan sharciga waafaqsanayn ama ay ula falagalaan si aan munaasib ahayn. Hadalkeena waxaynu ku soo koobaynaa qodobadaan:
Maraykan sida wax u dhacaan ma u sheegaa?
Marka la soo gudbinayo war, warbixin ama faallo ciddaan Ilaahay aqoon ama aan ka baqayni uma soo gudbiso sida wax u dheceen ee waxay u soo gudbisaa sida dantoodu ku jirto. Tusaale aan fogayn waxaa ahaa qabashadii Saddaam Xuseyn oo loo soo bandhigay si ihaano ku jirto, isla markaasna xambaarsan farriin adag oo ku socota nin kasta oo naftiisu ugu sheekayso inuu America isku taago ama amarkeeda meermeeriyo. Farriintaasna raggii ay ku socotay si fiican bay u wada fahmeen, una wada fuliyeen, waxaase ugu dhagafududaa, uguna dhaqsa badnaa Mucammar Alqadaafi oo isagu wixii hub khatara u yaalay isla markiiba gacanta America galiyey. Tan Sheekh Usaamana kama duwana tii Saddaam.
Haddaba waa in aan lagu kadsoomin siday wax u dhigayaan ee maanka lagu hayo in xogta Maraykan baxshay, nooceeda, waqtigeeda iyo habka loo soo gudbiyayba noqon karaan filim muddo la diyaarinayey, loona jilay si ay ku jirto danta guud ee America iyo tan gaar ahaaneed ee Obama iyo xisbigiisa.
Dadka Maraykan la duubanow bal daya!
Maraykan iyo guud ahaan reer galbeed waxay dunida ugu bishaareeyeen inay aadanaha u soo hoyiyeen nidaamkii ugu xadaarisanaa oo waliba meel ka dambaysa oo la gaari karo aysan jirin, ciddii ku qanci weydeyna guluf colaadeed bay galiyeen si ay sanka uga galiyaan. Dunida kale oo gaalo iyo muslinba lehna dad badan baa u sacabbiyay oo bishaaraynta dhankoodii ka bilaabay, ciddii horay u aqbali weyda ama su’aal ka keentana ku tilmaamay dibusocod aan dunida la jaanqaadi Karin, waxaase si is daba jooga ugu muuqday dadkii nidaamkaas ku indhasarcaaday iyo kuwii wax iska weydiinayeyba nidaamkaan iyo dadka wadaba inay ka bidaa’isan yihiin dadyowgii aan xadaaradaba yeelan ee fidrada saliimka ah haystay.
Saas oo ay tahay dad badan baa wali liqi waayey waxa muuqda iyo waxa la mqlayo ee nidaamkaan iyo dadkiisu dunida ku samaynayaan, marar badana waxay isku dayeen inay u qiil-bixiyaan falalkaas ilbaxnimo iska daaye aan aadaninimada ku wacnayn. Halkudhegyadii caddaalad, ilbaxnimo, xuquuqda aadanaha iwm midba maalin bay qawlkooda iyo ficilkooda ku dumiyeen. Waxgaradkii u dhashay, lana diinta ahaa ayaa ka qayliyey dhaqamada reer Galbeed gaar ahaan Maraykan, raggii muslimiinta ku abtirsan jirey ee u doodayeyna afkoodii juuqba wuu gabay; waayo wixiina wax la difaaci karo noqon waaye, sayidkoodii ay miskaxdooda caariyeeyeena kuma af celin karaan. Haddaba dilka Sheekh Usaama iyo sida xun ee loola dhaqmay waxay noqotay dharbaaxo kale oo ku dhacday raggii ummadda ugu baaqayey barwaaqada nidaamka reer galbeed. Hadal badan uma baahnee maqal: sida islaamka ayaan u xabaalnay, baddana waa ku ridnay!?. Been abuurka iyo foojariga kalena iskaba daa!!.
Inaynu waxa dunida ka dhacaya uga hadalno sida diinteenu qabto ama sida ay ina la tahay ma aha argagixisanimo
Dad badan bay la tahay haddaan waxa beesha caalamku sheegto laga daba jiibin ama aan sacabka loo tumin in eed la galayo ama la isku dhajinayo summadda argagixiso, ka dibna qofku sidaas ku noqonayo dambiile ay tahay in maxkamadda lala tiigsado!. Xataa haddii bah gaalo ku adkaystaan oraahdii Bush ee ahayd: “ninkii aan nala jirin waa naga jiraa” innaga marna la inoo ma oggola inaynu wax sharcigeena kilaafsan u sacabbino ee ninka nafta u yaaba waxaa u furan inuu iska aamuso.
Inta badan dadku inay ka cabsadaan waxay xaq u leeyhiin ama ay hooskooda ka didaan waxaa ugu wacan xogta ay hayaan iyo aqoonta ay qawaaniinta u leeyihiin oo yar, horayna waxaa loo yiri: dadku waxaysan aqoon waa u cadaw. Marka aad aragtid dadka xadaarada iyo aqoonta leh, lana socda dunida iyo sida loogu wada shaqaysto ku arki maysid baydadka ay qabaan dadkeenu gaar ahaan dadka siyaasadda ka ag dhow.
Markii madaxweyne Obama ku dhawaaqay in la diley Sheekh Usaama waxaan joogay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan. Marka loo fakaro sida dadka baydadsan oo kale waxay noqon lahayd in dadweynuhuna shibtooda xulaan, madaxduna isku daraan sacab iyo hambalyo diirran oo ku socota Mudane OBAMA iyo dadkiisa!, dhab ahaanse waxaas oo dhan ma dhicin ee dadkiina salaatul-qaa’ib bay u dhaqaaqeen, muxaadarooyin iyo faallayn faahfaahsana oo wadaadka ku saabsana waa loo wada jeestay, madaxdiina ninna durbaan uma tumin. Mana jirto balaayo cirka ka soo dhacday oo dadkii ama dalkii ku habsatay, iska daa dal iyo dad muslin ahe gaalada lafteedii ayaa qaar badan la soo taagan yihiin wax ay ku difaacayaan Usaama ama ku durayaan Obama iyo siday dowladdiisu u dhaqantay.
Madaxdeenu maxay u garan weyday waxa Obama gartay?
Waxaa wax aad loola yaabo ah in qaar ka mida madaxda muslimiintu muujiyaan inay ku faraxsanyihiin dilka Sheekha ama ay Maraykanka ugu tahniyadeeyaan dilkiisa, iyaga oo haba yaraatee aan colaad iyo nacayb mooyee wax faa’iido ah ka helayn arrintaas. Halka Obama iyo dowladdiisu diideen inay soo bandhigaan sawirada maydkiisa, iyagoo iska kala yaraynaya carada iyo colaadda ehelkiisa iyo taageerayaashiisa ama ugu yaraan ay dib u dhigaan inta dhacdadu cusubtahay; si aan falcelinta la fil karo u sii xoogaysan.
Aynu u ducayno, wax ka sheegiisana iska dayno
Muslimku waa muslimka kale walaalki, wax kasta oo dhexmarana walaalnimadoodu ma ogo’ayso in midkood gaaloobo mooyee. Mar haddii qofku muslim yahayna wuxuu walaalki ku leeyahay xuquuqdii walaalnimo oo dhan oo ducadu ka mid tahay, adigana aakhiro waxaa lagu weydiinayaa qofkaan xaqiisii ma siisay ee adiga laguu qabsan maayo xaqa kaa maqan iyo waxa uu isagu gaystay. Taasi waxay meesha ka saaraysaa in lagu digto ama lagu farxo qof muslim ah oo dhibaato soo gaartay gaar ahaan cadaw gaalo ah diley. In aadan ku qanacsanayn afkaartiisa iyo habdhaqankiisa ama ay xurguf indinka dhexaysana ma keenayso in xaqiisa la duudsiyo ama lagu xadgudbo.
Tan kale nabigu (scw) wuxuu yiri: “ha caayina dadka geeriyooday; waayo way gaareen wixii ay hormarsadeen”. Wuxuu kale oo yiri: “haddii aad xaadirtaan maydka khayr dhahaya; waayo malaa’igtu wixii aad tiraahdaan bay amiinsanaysaa”. Wuxuu kale oo yiri: “ha caayina dadka dhintay; si aydnaan u dhibin kuwa nool”. Taa macneheedu waxaa weeye xataa haddii uu qof xun ahaa wax ka sheeggiisu wuxuu dhibayaa ehelkiisa, mana la ogola in muslimiinta lagu dhoho waxay dhibsanayaan.
Si kastaba ha ahaatee qofka muslimka ah isaga oo aan cid kaleba u danayn wuxuu u baahanyahay in aanu ajarkiisa cid kale balaash isaga siin; waayo qofkii aad af ama addin wax ku yeeshid aakhiro ajarkaaga ayaa laga siinayaa wax u dhigma xadgudubka aad ku samaysay, haddii ajarkaagu dhammaadana dambigiisa ayaa laga soo qaadayaa, dusha ayaana lagaa saarayaa.
Noole kasta geeri ayaa u dambaysa
Gaal iyo muslim, Nin xun iyo nin san, mid la jecelyahay iyo mid la necebyahay, mid xoog leh iyo mid taagdaranba ilma aadan geeri ayaa wada sugaysa. Ninka geerida Sheekh Usaama dunida ugu bishaareeyayna isna dhimashadu way sugaysaa. Geeriduna waa is la mid uun ee waxaa kala duwan sababaha loo dhinto, xaaladda qof kasta uu ku dhinto iyo nin walba waxa uu xagga Alle horay u gaystay. Haddaba waxaa la gudboon ninkii wali naftu ku jirto inuu geerida ku cibro-qaato, uuna maalinteeda wax u diyaarsado intaysan ku soo kadin, ha ahaado mid Sheekh Usaama nicib ama mid jecel’e, mana habboona in muranka iyo faallada aan sharciga cuskanayn dadka la taraaraxdo, ayna hilmaansiiso ku cibroqaadashada dhacdooyinka gaar ahaan geerida.
Aakhiro ninna Sheekh Usaama lama weydiinayo
Guryaha aakhiro qabriga ayaa ugu horreeya, ninkii u soo hoydana waxaa la weydiinayaa: ninkaan (nabi Muxammad) maxaad ka taqaan?. Haddii uu muumin yahay wuxuu oranayaa: waa ergaygii Alle noo soo diray, wuxuuna noo keenay mucjisooyin iyo aayado cadcad, waana rumaynay, waana raacnay, isagu waa Muxammad, isagu waa Muaxammad, isagu waa Muxammad. Haddii uu munaafiq yahayna wuxuu oranayaa: HAAAAH, ma garanayo, dadka oo wax dhahaya ayaan maqlay, waana iska iri.
Ma jiro cid aakhiro la weydiinyo rumaynta iyo raacidda nin aan nabi Muxammad ahayn. Ninkii su’aashaas ku guulaysta waxba ka dhimi mayso inuu cid kale aqoon waayo ama raaci waayo, ninkii nabi Muaxammad garanwaayana cid kale aqoonteeda iyo raacideedu wax u tari mayso; sidaa darteed waa inaynu ogaano nin Sheekh Usaama jecel iyo nin nicibba in waddada badbaadadu tahay rumaynta, fahmidda iyo habsami u fulinta wixii nabi Muxammad inoo la yimid, iyadoo waliba dar Alle loola jeedo. Haddii waddada Sheekh Usaama ay waafaqdo tan nabiga (scw) waa khayr iyo sidii la rabey, haddii ay barbar martana caano kaa daadan maayaan oo awal baad jidkii toosnaa ku joogtay, ninkii ka leexdana isagaa lumay ee adiga waxba kaaga gidhiish maaha.
Gabagabadii Sheekhu wax badan oo afkaar iyo mawaaqif ah ayuu culimada ku dhinac maray, hab fakarkiisa iyo hab dhaqankiisana waxaa ka dhashay raadad waaweyn oo inta badan saameeyay ummadda muslimiinta ah, taasina ma keenayso in niyaddiisa la tuhmo ama xaqii walaalnimo ee uu lahaa laga xayuubiyo ee wuxuu walaalihiis ka mudan yahay inay Ilaahay dambi dhaaf iyo naxariis u weydiiyaan. Dhinaca kalena aysan afkaartiisa iyo dhaqankiisa ka dhigan dayasho (qudwo) ee ay Rasuulka Alle ku daydaan. Arrimaha dooddu ka taagantahayna looga dambeeyo culimada oo Rabbigeen ina amray inaynu wax weydiino. Tusaale ahaa eeg taxanaha[1]: “Dhibka ma la suuliyaa mise waa la siyaadiyaa?” ee lagu faafiyey bogga www.somaliatoday.net. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu u dambidhaafo, una naxariisto Sheekh Usaama, annagana uusan na fitnayn gaadaashiisa, muslimiintana uu u hiiliyo.
Axmed C/samad
[1] ) waa diraasad uu diyaariyey: Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh. Bashiir Axmed Salaad