Abuukar Jaamac Cawaale oo lagu soo dhoweeyey Qardho.[Masawiro]
March 1, 2015 - Written by EditorQardho:-Abuukar Jaamac Cawaale qaad diid ayaa si wayn loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar iyadoo soo dhowayntiisa ay ka qayb galeen masuuliyiinta gobolka iyo kan degmada, Issimo, Nabadoono, masuuliyiinta wasaarada waxbarashada gobolka karkaar maamulka iyo ardada jaamacada bariga Africa faraca magaalada qardho aqoonyahano iyo waxgarad kale.
Gudoomiyaha ladagaalanka qaadka abuukar jaamac cawaale ayaa waxaa looga hortagay duleedka magaalada qardho , markii uu soo gaaray magaalada qardho waxaa loo galbiyay abuukar cawaale qaad diid oo bulshadii soo dhowaysay kula hadlay Hoolka shirarka odayaasha ee dowlada hoose.
Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo oo ugu horayn ka hadlay soo dhowaynta Qaad diid ayaa u mahadceliyay asaga iyo masuuliyiinta ku wehlisa safarkiisa gudoomiyaha ayaan sheega inuu aad ugu faraxsanyahay inuu manta uu soo gaaro magaalada Qardho oo ah magaalada dhaqanka soomaaliyeed gudoomiya la dagaalanka qaadka Mudane Qaad Diid wuxuuna sheegay inuu aad u taageersanyahay ololaha uu wado Abuukar Cawaale.
Qaar kamid ah Isimada, Nabadoonada, Aqoonyahanada iyo Haweenka soo dhoweeyay Abuukar Cawaale ayaa sheegay inay aad u taageerayaan Fariinta lagula dagaalamayo Qaadka oo dhibaatooyin farabadan ku haya bulshada soomaaliyeed waxayna balan qaadeen in ay soo dhowaynayaan fikradwalba oo lagaga hortagi karo qaadka iyo qurunkiisa iyo cida walba oo xambaarsanba
Abuukar Cawaale oo gabagabdii kulankan la hadlay bulshadii soo dhowaysay ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo soo dhowaynta balaaran ee loo sameeyay iyo sida wayn ee reer Qardho ay u taageersanyihiin olalalaha lagula dagaalamayo qaadka, Abuukar oo la hadlaya Bulsada ayaa sheegay hadii xitaa aan la joojin karin qaadka in loo sameeyo meelo lagu iibiyo oo u gaar ah oo ka baxsan magaalada si cidii halkaa uga daba tagta wadada lagaga hortago oo lalala xumeeyo qaadka iyo halka lagu iibiyo si dadka qaar ay uga xishoodaan.
Abuukar Jaamac Cawaale ayaa caawa waxa uu kulan balaaran la qaadan doonaa dhamaan ardayda, Macalimiinta, iyo Maamulka Jaamacada Bariga Afrika Faraca magaalada Qardho iyo dhamaan Qaybaha kala duwan ee bulshada kulankaas ayaana ka dhici doona Hoolka Jaamacada.
no images were found
M_M_Deeq
Qardho ,Somalia