Wasiirka arrimaha dibadda DFS oo ku qaabilay xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya.
March 3, 2015 - Written by EditorMogadishu, March 03, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya Eng . Hassan Bin Hamza Asad Mohammed oo ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh.
Kulanka intii uu socday , ayaa waxaa la isku weydaarsaday aragtiyo muhiim u ah danaha wadaagga ah iyo qaabkii lagu xoojin lahaa .
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir xoogan oo walaalnimo oo soo jireen ah oo ku qotama iskaashiga dhaqan , dhaqaale ,siyaasad iyo bulsho , iyadoo Dowladda Qatar ay ka mid tahay dowladaha ugu horeeya ee caawiya Soomaaliya
no images were found
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations