Fahanka saxda ah ee ku dhaqanka shareecada islaamka qeybtii 2aad iyo 1aad Sh Shible (Daawo)
March 5, 2015 - Written by EditorNairobi:-Sh. Shibli iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaalida Nairobi ayaa kulan muhiim ah uu dhex maray.Kulanka ayaa waxa uu ku saabsanaa: fahanka saxda ah ee laga qaadanayo hir-galinta shareecada islaamka.
Sheekha ayaa markii hore soo koobay qodobadii qeybtii hore, iyo jawaabo uu ka bixinayey su’aalo ka yimid ka soo qeyb galayaashii qeybtii koowaad.
Qeybtaan labaad ee fahanka saxda ah ee ku dhaqanka shareecada ayaa waxaa qaatay sheekha oo kaliya, iyadoo waqtigu ku yaaraaday in ka soo qeyb galayaasha ay ra’yi iyo su’aalo ku darsadaan mowduuca, waxaana loo ballamay in qeybta xigta qeyb laga siin doono dadweynaha.
Kulankan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen markazka abuu bakar iyo xarunta dhaqanka iyo wax akhriska ee Aw Jaamac Cumar Ciise, ayaa waxaa daadaheynayey qoraa Maxamed Nuur Shire.
Hoos ka Daawao qeybtii Labaad fahanka saxda ah ee laga qaadanayo hir-galinta shareecada islaamka
Hoos ka Daawao qeybtii koowaad fahanka saxda ah ee laga qaadanayo hir-galinta shareecada islaamka
Kullamada noocaan ah ayaa socon doona haddii Illaahay idmo.
Halgan.net
Nairobi