Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gaaray Kampala (Masawiro)

March 8, 2015 - Written by Editor

DSC_4489Kampala:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Labaadee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda halkaasi oo guddiyo ka tirsan Baarlamaanka aqoon kororsiyo uga soconayaan.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hogaaminayo waxaa garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala kusoo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo horey Uganda u joogay,Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) qunsulka Soomaaliya ee Uganda iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeeddada ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad u yimaadeen Kampala ayaa ah iney kormeer ku sameeyaan sida ay u socdaan aqoon kororsiyo guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga soconaya dalka Uganda kuwaasi oo ay fududeeyneyso hay’adda AWEPPA, waxaana hada uu tababar u socdaa guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xaasaanadda ee Baarlamaanka.

no images were found

Tababarka xiga waxa uu u bilaaban doonaa 9ka bishan March Guddiga Joogtada ah ee  Baarlamaanka oo iyagu la isku yiraahdo Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ayadoo kadibna ay jiri doonaan tababarro kale inta lagu jiro fasaxa Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka waxaana dhammaan tababarran iyo howlahan ay qeyb ka yihiin fududeynta shaqooyinka la doonayo in la qabto Kalfadhiga 6aad.

—-DHAMMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online