Ciidamada Badda dowladda Puntland oo qabtay 106 Tahriibayaal ah.[Masawiro]

March 13, 2015 - Written by Editor

8Boosaaso:-Ciidamada badda ee dowladda Puntland ayaa saaka waxaa ay howlgal ka fuliyeen xeebta deegaanka Mareero oo ilaa 15km dhinac waqooyi bari kaga beegan magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Ciidamada Badda dowladda Puntland oo gacan ka hellay ciidamada kale ee Puntland ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay soo qabtaan 106-qof oo Tahriibayaal ah.

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay i ciidanku ay sii wadi doonaa howlgalkaan ka dhanka ah Tahriibka cid walba oo lagu soo qabtan talaabo laga qaadi doono. Taliyaha Ciidanka Badda dowladda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa yiri ” tahriibayaasha aan qabanay waa 106- qof oo kala ah 80-ragg ah iyo 26 Dumar ah.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xassan oo isagana saxaafadda la hadlay ayaa digniin u diray kooxaha dadka Tahriibiya ama ku shaqaystay isagoo sheegay in aan la ogolaa doonin in xeebaha Puntland guud ahaan ama Gobolka Bari laga tahriibiyo dadka maadaama arrinkaas uu yahay sharci daro dowladduna ay sharci ka soo saartay
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xassan ayaa xusay in talaabo adag laga qaadi doono kuwa wax Tahriibiya iyo weliba agabka ay wax ku tahriibiyaan si Tahriibka looga waan toobo.

Ma ah markii ugu horaysay ee Ciidanka Badda dowladda Puntland ay soo qabtaan Tahriibayaal ku sii jeeda dalka Yeman kuwaas oo si dhuumaalaysi ah ku yimaad magaalada Boosaaso ka dibna uga gudba wadana Yeman.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online