Wasiirka Difaaca Gen. Diini oo dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho.(Masawiro)

March 14, 2015 - Written by Editor

IMG_8996Muqdisho, March 13, 2015…Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahan socdaal shaqo oo qaatay ku dhowaad laba asbuuc ku joogay gobolka Galgaduud, ayaa maanta soo gabagabeeyay dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay Wasiirku in socdaalkaasi uu ku soo dhamaaday guul,nabad, midnimo, iyo in laga wada shaqeeyo danta guud ee Qaranka.

Wasiirka ayaa kormeeray qeybo kamid ah xarumaha dowladda ee degmada Dhuusamareb gaar ahaan xerada Ciidamadda qeybta 21-aad, isagoo halkaas warbixin uga dhageystay taliska guud ee Ciidanka XDS, Wasiirka ayaa balan qaaday Wasaaraddu in ay dib-u-dhis ku sameynayso xarumaha Ciidamadda si kor loogu qaado tayada Ciidamadda qalabka sida.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye ayaa uga mahad celiyey wasiirka dadaalkiisii nabadeed ee najaxay, wuxuna tilmaamay in uu deegaanka uu horseeday nabad iyo xasilooni, isla markaana ay sii wadi doonaan inta dhiman si horumar loo gaaro.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyey bulshada reer Galgaduud sida ay ula shaqeeyeen mudadii uu deegaanka ka waday nabadeynta, isagoo xusay in loo baahan yahay horey in loo sii wado dadaalladaasi isla markaana ay door-kooda ka qaadan doonaan mar walba.

“Waxaan bogaadinayaa dhamaystirka shirka dib u heshiisiinta ee ka socda degmada oo ay ku heshiiyeen qeybo kamid ah shacabkii ay colaaddu ka dhaxeysay, bulshada reer Galgaduud waxaa looga fadhiyaa in si nabad ah ay ku dhistaan maamulkooda, waa in laga tanaasulaa wixii horey u soo dhacay. Waxaan ugu baaqayaa in laga gudbo khilaafka oo ay higsadaan himiladooda wanaagsan, waxaan idin leeyahay guuleysta oo ha daalina”ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

no images were found

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa xusay heshiiskii lagu saxiixay deegaanka Guriceel in uu horseed u noqday bulshadu in ay guryahoodii dib ugu soo laabtaan isla markaana laga gudbo dagaalladii uu dhiigga badan ku daatay ee dhex maray Ciidamadii ku dagaalamay deegaanka.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online