Dawladda Puntland oo dil toogasho ah ku fulisay saddex dambiile oo ka tirsanaa Al-shabaab.[Dhagayso]
March 16, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Dawladda Puntland ee Soomaaliya dadaalka tooska ah ee ay kula jirto kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab waa dagaal aan dhammaan doonin ilaa la dabar gooyo kooxdaas, maadaama ay dadka iyo dalkaba duulaan ku yihiin. Sidoo kale Dawladda Puntland waxay cadaynaysaa inay shareecada islaamka iyo qawaaniinta dalka marinayso qof kasta oo ay ku caddaato kamid ahaanshaha kooxda burcad diimeedka ah ee ururka Al-shabaab.
Sidaa darteed, wasaarada amniga ee dawladda Puntland waxay maanta si buuxda laamaheeda amniga u fuliyeen dil toogasho ah oo lagu xukumay xubno dambiilayaal ah oo ka tirsanaa oo ahaa saddex qof.
1: Maxamed Cabdi Axmed oo la baxay ” Olol”
2: Xaajow Shiikh Nuur Cismaan oo la baxay ” Shiishaan”
3: Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac oo la baxay ” Rabbiile”
Xubnahaas oo dhammaantood ay ku caddaatay inay xubin ka ahaayeen Ururka Al-shabaab islamarkaana Maxkamada ciidanka Puntland ay ku cadaysay dambiyada ay gaysteen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-3-2015 waxaa lagu tooktay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri ee Dawladda Puntland.
Hoos ka Dhagayso warsaxaafadeedka wasiirka amniga ee dowladda Puntland Xassan Aloore
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/uck6ltnmb3/dil.mp3]-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.