Xubno ka tirsan Al-shabaab oo dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo oo xukun dil ah lagu riday.[Cod/Masawiro]

March 16, 2015 - Written by Editor

16Gaalkacyo:-Waxaa Maxkamada Ciidamada qalabka sidda ee Gobollada Nugaal iyo Sool ay xukun dil ah ku xukuntay labo eedeysane oo ka tirsan Al-shabaab oo isku dayey in ay dilaan nin la dhashay Nabadoon Aadan Faarax Dheere oo horay ay amniyaadka Al-shabaab ugu dileen Al-baabka Masjidka Salaaxudiin ee magaalada Gaalkacyo Salaadii cishe ka dib.

Allaha u naxariistee Aadan Faarax Dheere ayaa waxaa uu ahaa wadaad, Ganacsade iyo Nabadoon caan ka ah magaalada Gaalkacyo kana soo jeeda beesha Leelkase. fal danbiyeed kaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Sh Cabdinaasir Faarax Ina lagu Jire oo la dhashay Sheekh C/casiis Faarax Allaha u naxariistee oo isagu la socday Nabadoon Aadan Faarax Dheere.

Dhibane Maxamed Faarax Dheere oo la walaal ah Nabadoon Aadan Faarax Dheere ayaa ka badbaaday isku dilay ay ku khaarajin lahaayeen amniyaadka ururka Al-shabaab iyagoo ilaa 9 xabadood ku dheftay Dhibane Maxamed Faarax Dheere balse xubnihii weerarka fulisay mid ka mid ah la qabtay kaas oo lagu magacaabo Cabdixakiin Xassan Xaamud halka Cabdixafiid Cabdullaahi Yuusuf isagoo maqan xukunka dila ah lagu riday.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamada Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Xirsi Dheere oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in Maxkamada ciidanka qalabka sidda ee Nugaal iyo Sool ay xukun dil ah ku riday eedaysanayaasha kala ah:-

1.Cabdixafiid Cabdullaahi Yuusuf

2. Cabdixakiin Xassan Xaamud.

Xeer Ilaaliyaha ayaa ku eedeeyey in Eedaysanayashaan ay ka tirsanaayeen amniyaadka Al-shabaab waxaan ay ka mid ahaayeen xubnaha dilalka qorshaysan ka fulin jiray magaalada Gaalacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo lagu dilay dad badan oo ahaa Haldoorka Gobolka Mudug.

no images were found

.


Hoos ka Dhageyso Taliska Booliska Mudug oo si wada jira uga hadlaya qabashada dhagar qabe Cabdi xakiin Xassan Xaamud

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/fkwfjgeaja/taliyaha-qeybta-mudug.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Eedaysane C/xakiin Xassan Xaamud ayaa isagoo dhaawac ah u baxsaday dhinac maamulka Gal-mudug balse laamaha amaanka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa ku guulaystay in ay kala soo wareegaan maamulka Gal-Mudug ka dib wada hadal iyo wada shaqayn dhinac amniga ah oo dhexmartay labad dhinac .Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee dilka lagu fuliyey maanta ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay fuliyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Hogaanka Al-shabaab ee soo howlgaliyey dhalinyarada ayaa dhaqan ka dhigtay marka la qabto ama la dilo ama ay xukun dil ah lagu fuliyo in ay ka aamusaan

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online