Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda DFS oo qaabilay Safiirka Sweden (Masawiro)

March 17, 2015 - Written by Editor

20150317_103650Mogadishu:-Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Danjiraha dowladda Sweden uga wakiil ah dalka Soomaaliya ambassador  Mikael Lindvall oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada badan .

Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ay garab taagan tahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo dhiso mustaqbal dimoqraadi oo uu gaaro Shacabka Soomaaliyeed .

Kulanka ayaa waxaa looga dooday xiriirka kobcaya ee Soomaaliya iyo Sweden, iyadoo la ogsoon yahay in dad ku dhow illaa iyo 50,000 oo muwaadiniin Somali – Sweden ay ku noolyihiin magaalooyin iyo tuullooyin kala duwan oo Boqortooyada Sweden oo ka mid ah dowladaha Scandinavia ee ku yaala Waqooyiga Europe .

Fadhigani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Lataliye ka tirsan Xafiiska Wasiirka .

Sida la ogsoon yahay , Soomaaliya iyo Sweden ayaa xiriir diblomaasiyadeed si rasmi ah u yeeshay July 13 , 1960 .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online