Madaxweynaha DFS oo warqadaha aqoonsi ka guddoomey danjiraha cusub ee Norway

March 18, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey danjiraha cusub ee Boqortooyada Norway u fadhin doona Soomaalya Mr. Victor Conrad Rønneberg. Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga mahadceliyey talaabada ay danjirahan cusub ugu soo magacawdey Soomaaliya , oo uu sheegay inay sii xoojin doonto xiriirka labada dal.

“Aad ban kugu soo dhoweyneynaa dalka, waxaana kuu xaqiijinayaa in iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn intaba aad ka heli doonto Soomaalida. Waxan kale oo aan Norway uga mahadcelinayaa taageerada ay nala garab taagan tahay oo muhiim u ah dib u dhiska dalkeena’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale danjiraha uga warbixiyey xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada, horumarinta iyo adeegyada bulshada, isagoo xusey in wax badan la qabtey, waxyaabo kalena ay dhiman yihiin.

“Waxyaabo badan ayaa inoo qabsoomey , waxaana haatan ku jirnaa diyaargarowga sidii loo dhaqan gelin lahaa Hiigsiga 2016 , oo ay inaga go’an tahay inaan fulino.’’

Danjiraha cusub ee Norway Mr. Rønneberg ayaa isna kulankaasi ka sheegay in Norway ay sii kordhin doonto taageerada Soomaaliya, isla markaana uu jiro qorshe cusub oo Norway ugu talagashey barnaamijyada kala duwan ee horumarinta ee Soomaaliya lagu taageerayo.

“Imaanshahayga Muqdisho waxaa uu ka tarjumayaa sida aan u dooneyno balaarinta iskaashiga aan la leenahay Soomaaliya. Waxaan idin ka taageeri doonaa maareynta kheyraadka, xirfadaha kala duwan ee maamul wanaagga iyo dhinacyada farsamada, iyo weliba nabadgelyada iyo wax wada qabsiga”.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online