Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS oo furay shir lagu soo xulayo Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.
March 23, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo wafdigii uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose waxaana uu ka qeyb galay shirka soo xulista Xildhibaanada baarlamaanka jubbaland.
Munaasabada si weyn loo soo agaasimay ayaa waxay ka socotaa Ex-caymiska oo haatan ah si ku meel gaar ah aqalka baarlamaanka jubbaland waxaana goobta ay ka dhacayso shirka soo xulista xubna xildhibaanada jubbaland ku sugan Madaxweynaha dowlda gobaleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Shirka soo xulista xildhibaanada Jubbaland ayaa waxaa ka qeybgalaya madax ka tirsan DFS oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Maxamed Xuseen (Odowaa) salaadiin ,isimo,Ugaasyo iyo bulshada rayidka ah .
Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in mudo dhow ay soo dhamaan doonto soo xulista xubnaha baarlamaanka jubbaland .
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Maxamed Xuseen (Odowaa)ayaa khudbad kooban ka jeediyey shirka soo xulista xubnaha baarlamaanka Jubaland wuxuuna u mahad celiyey madaxda Jubaland isaga oo sheegay in uu furan yahay shirka dhamaystirka baarlamaanka jubbaland .
Soo xulista xubnaha baarlamaanka Jubaland ayaa maraya heer gabogabo ah waxaana la filayaa in uu soo dhameystirmo bilaha soo socda.
Cabdi Yare
Kismaayo