Ha kaa saarto!! W/Q Sheekh Sh C/risaaq Sugulle
March 26, 2015 - Written by EditorWaxaa laga yaabaa dad qaar (gaar ahaan kuwii aan soo marin magaalada Xamar)i in ay ku adag tahay fahamka ereygaan. Waxaa uu ka mid ahaa ereyadii aadka looga isticmaali jirey gobolka banaadir iyo nawaaxigiisa oo ay dhalintu u badnayd isticmaalkiisa, amaba haddii si kale loo yiraahdo luqad suuqeedka ka mid ahaa. Waxaana ujeedada loo isticmaali jirey ay tahay , markii qofku uu dhexgalo mashaqo uu isu geystay oo haddana cid ka saartaa aanay jirin, markaa ayaa si sahal ah loo oran jirey ” Ha kaa saarto hee”.
Waxaa ereygani igu soo dhacay kadib markii aan maanta ku arkay mareegta netka ee Halgan wareysiyo isdabajoog ah oo uu Abuu qataada hiifid iyo haaranba uu dusha kaga tuurayo Daacish. La yaab ma lahan oo qofku shalay fikrad uu qabay maanta wuu bedeli karaa, wuuna ka toobad keeni karaa, laakiin waxaa ay dhibaatadu tahay in wixii aad adigu bilowday ama hormuudka u ahayd, aadan haddana damin karin ama soo afmeeri karin natiijada ka dhalatay. Soow arinkuse ma ahan marba haddii isagii la gaaleysiinayo oo moorada lagala baxay : ”Abuu qataadoow ha kaa saarto ”.
In badan ayay culimadu ka digayeen waxyaabaha ka dhalan kara afkaartaan deg-dega iyo xag-jirnimada ku salaysan ee aan si dhab ah looga fiirsan, islamarkaana lagu baneysanayo asaasiyaadkii ummadda oo dhan ay lahayd. Waxay qaylo dhaantani dib ii soo xusuusisay markii Soomaaliya uu ka bilowday halgankii la magaxbaxay ”ka hortaga ashahaado la dirirka” ee lagala soo horjeeday nimankii qowlaystada ahaa ee dadka iyo dalkaba gadanayay, waxaa dagaalkaasi si aan kala har lahayn u galay dhammaan ummadda Soomaaliyeed , gaar ahaan intii qiirada diimeed ay ku jirtey. Kadibna waxaa ku xigey oo halkaas ka dillaacay nidaamkii maxaakimta ahaa., balse nasiib daro iyadoon la goosan miraha natiijadii ka dhalatay halgankaas ayaa waxaa lagu jilaafeeyay xag-jirnimo iyo afkaar ku salaysan deg-deg iyo jaahilnimo aan loo meel dayin. Culimadu waxay isku dayeen bal in ay wax uun ka badbaadiyaan kacdoonadan inta badan xamaasku ku dheehnaa.
Waxaa jiray shirarkii taariikhdu ay ka markhaati kacday ee culimadu dal iyo dibadba isku dayeen bal in shacabkan dhibaatada dagaalka sokeeye rafaadshay wax uun loo reebo, hase yeeshee mirihii ka soo baxay dagaalkii shahaado la dirirka iyo kii maxaakimtaba, waxaa lagu majo xaabiyay dege-deg iyo tilaabooyin aa laga fiirsan oo la mid ah kuwa uu hadda Abuu qataada ka qaylinayo.
Qisooyinkii ugu cajiibka badnaa ee shirarkaasi ka dhacay waxaa ka mid ahaa: in markii culimadu ay isku dayday in ay waaniso dhalintaan orordka iyo xamaaska ku socda, uu mid ka mid ah dhalintaasi yiri ” war culimo idinkana somaaliya ayaad ka hadlaysaan , anaguna Washigton ayaan doonaynaa inaan soo qabano”!!, Sh Cali Warsame ”Allaha xifdiyee” oo culimadii shirka joogtay ka mid ahaa ayaa ku yiri ” Waar Washigton layne, Xamar uun xajiya oo yaanay idinka fara baxsan. Sidoo kale hadladii maalinkaas ay culimadu ka sheegeen goobta, waxaa ka mid ahaa hadal uu yiri Alaha u naxariistee Dr Axmed Xaaji oo ahaa .” sida aad la socotaan waxa dhici doonta ama ay sababi doontaa in xarunta Kumaando seergito (wasaaraddii gaashaandhiga) ay amxaaro ka taliso.
SH .Umal ”Allaha xifdiyee” sida uu muxaadaraadkiisaba ku sheegay, wuxuu cadeeyay in ay dhalintaas xamaasadaysnayd ay u cadeeyeen wax walba oo ka dhalan kara deg-degaas ay ku socdaan, sida in iyaga dhexdoodu is khilaafi doonaan oo kooxo-kooxo noqon doonaan, in ay is layn doonaan, in xilligaas ciidamo shisheeye oo aan badnayn baab wadanka joogaye, ay dici doonto in wadankoo dhan ay galaan ciidamada shisheeye, tiro badana ay timaado.
Waxaasi oo dhan ay culimadu sheegeen ma aysan ahayn waxyi ku soo degaya, balse culimadu waxaa ay kala soo dhex baxeen nusuusta cad-cad ee kitaabka iyo sunnadda, waayo Allaahbaa siiyay basiira ay ku fahmaan nusuustaasi, waxaana ay culimadu in badan ka hadlayeen inta ay haatan Abuu qataada iyo Almaqdisi ka qaylinayaan, laakiinse dhagahaa laga fureystay, waxaana la isku dayay in culimada doorkooda la tir-tiro iyadoo la adeegsanayo dacaayado iyo been abuur laga sameeyay culimada, balse arinku intaa kuma ekaane, waxaa dhacday in culimadii qaarkood la dilo, inta hartayna wali la qorshaynayo sidii lagu dili lahaa, iyadoo waxa ay galabsadeena ay tahay , xaqa ay umadda u cadaynayaan.
Haddaba akhristoow waxaa halkaas kaaga soo baxaya, qofkii Allaah caqli uu ku fekero uu ku mannaystay :
1. In kooxahan khawaarijta ah asalkoodaba ay ku dhismeen Jahli iyo diin daro, waxaana arinkaasi ay afkooda ka soo yeertay asaasayaashoodii, sida ku cad waraysida Abuuqataada iyo Almaqdisiba.
2. In baadilku uusan jiritaan dheer lahayn, waayo waa taas durbadiiba ay soo cadaatay wixii ay kooxahaasi khawaarijtu ku dhismeen, baadilkiina lagu kala dhaqaqay
3. In cidda ka danbaysa asaasidooda ay yihiin cadowga islaamka, sababta loo asaasayna ay tahay in lagu burb-buriyo , laguna wiiqo awoodda muslimiinta ( markhaatiga minanka dhexdiisaana kuugu filanoo, waa kuwaa raggii dhidibada kooxahan u taagay ay cadeynayaan)
4. In sida lagu gaaro hogaanka sare ee kooxahan ay tahay, hadba sida aad dhiig badan oo muslimiinta ah u daadiso, ee aysan ahayn cilmi iyo aqoon
5. In jahligu uu yahay midka asalka u ah kooxhan, oo axkaamta shareecada ay ka yaqaanaan oo kaliya xuduud oofinta ( oo waliba ku salaysan jahli iyo waxaan jirin)
6. In qofku wixii uu beeraa uu adduun iyo aakhiraba goosan doono, oo waa kaas saaxiibadeen Almaqdisi iyo Abuuqataada ay goosanayaan mirihii ay iyagu abuureen ee ahaa : Jihaad aan asaas sharci ah ku dhisneyn, gaalaysiinta culimada iyo banneysiga dhiiga musliinta.
7. In loo baahan yahay in qofku uu iska hubiyo cida uu walihiisa siinayo ama raacayo, si aanu ugu dhicin dabinka dhalinyaro badan oo xaq doon ah ku keentay in ay afka u galaan balaayo aan la aqoon meel xarigoodu ku xiran yahay. ( Waliba hadda raggii dhalinta godkan geliyayna markii la qabto waa la cafiyaa, oo liiskii argagaxisada laga saaraa, dhalintana qoortaa loo dheereeyaa).
Ugu danbeyntii akhristoow soow arinku ma ahan in saaxibadeen aan ku niraahno ” Ha idinka saarto hee”, . Waxbana tarimayso waraysyo iyo qaylo meelaha laga sheeg-sheegaa mareegaha internetka iyo warbaahintaba, baroortiinaana idinka rumaysan mayno iyo waxa aad dal-dalaysaanba, illaa aan idinka aragno toobad keen dhab ah iyo war cad oo ficil muuqda wata oo cadeynaya in aad ka baxdeen baadilkii aad dhex muquurateen, ee waliba dabaal aad ga baxdaana aad garanweydeen.
W/Q Sh C/risaaq Sugulle
Halgan.net