Sh Maxamed Aadan Abdile oo muxaadaro ka jeediyey Masjidka Towxiid ee Kampala.[Masawiro]

March 27, 2015 - Written by Editor

2Kampala:-Waxaa maalintii Khamiista habeenka Jimcaha soo galaysay 26/03/2015 muxaadaro ka jeedi yey masjidka Towxiid ee magaalada Kampala ee dalka Uganda Sh.Muxamed Aadan Abdile oo safar gaaban ku yimid dalka Uganda kana yimid dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Johannesburg.

Muxaadarada oo dhacday bacdal Maqrib ayaa waxaa uu ahaa cinwaankeeda (doonitaanka sare) waxaana uu sheekha sharxay in qofka muslimka laga doonaayo doonitaan sare in uu yeesho oo uusan ku mashquulin waxyaabo hoose:-

Masjidka oo ay Jaaliyada Soomaalida ee Kampala soo buuxiyeen ayaa waxaa uu sheekha xusay dhowr arrimood oo muhim ahaa:-

1. In nabiga ( scw) uu asxaabta doonitaankooda kor u qaaday oo uu ku barbaariyay in firdowso allah waydiistaan haday wax waydiisanaayaan.

2. Asxaabta in doonitaankooda uu sareeyay aduun iyo aakhirba ayna si fiican u qaateen tarbiyadii nabiga (scw).

3. Meelaha uu galo doonitaanka sare, dacwada, cibaadada, u khidmaynta dadka, cilmiga iyo waliba majaalaad kale.

4. Faa,iidooyinka doonitaanka sare oo uu sheekha ka sheegay, in qofka uu bedelo mujtamaca iyo afraada, in qofka leh doonitaanka sare uu la yimaado wax mustaxiil la ah dadka kale, in uusan ku mashquulin waxyaabaha hoose, in dadka kale ku dayasho u noqdo qofka doonitaanka sare leh.

5. Caqabadaha oo uu sheekha ku soo koobay, wahsiga, aduunyo jaceel,iyo geeri ka baqid, in qofka waqtigiisa waxaan macno lahayn uu ku dhameeyo.

Ugu danbaystii waxaa tacliiq fiican saaray Sh.Ibraahim Galaw oo ka mid ah culimada Markazka Towxiid ee Kampala, sheekh Ibraahim ayaa ku booriyay dadkii soo xaadiray in mowduucan oo ah moduuc muhim ah in ay isku dayaan in ay hergeliyaan, waxaa uu ku dheeraaday Sh. Ibrahim in loo baahan yahay in aan yeelano doonitaanka sare.

no images were found

HALGAN.NET
KAMPALA

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online