Ardayda College Sahal SoftWare oo u Fadhistay Imtixaankii Computer Science.[Masawiro]
March 29, 2015 - Written by EditorLaascaanood:- Ardayda wax ka barata College Sahal Software ee aqoonta sare ee Computer Sceince iyo Technolgyada ayaa waxaa ay u fadhiisteen Imtixaankii Computer Sceince ka . Guud ahaan waxaa Imtixaanka u fadhiistay qaybaha kala duwan ee ardayda wax ka barata College ka Sahal Software , iyadoo Imtixaanku uu ka kooban laba qaybood oo kala ah mid Qoraal iyo Mid Shaqo Practical ah(la qabanayo ) .
Maaamulaha guud ee College kan Eng. Maxamed Jaamac Sahal ayaa ka war bxiyay xaalada Imtixaaanka iyo ardayda u fadhiisatay Imtixaanka , Maamule Eng. Maxamed Jaamac Sahal wuxuus sheegey in College kani uu yahay College balaadhan oo bixiya aqoonta heer sare ee Acamdemy Computer iyo , iyadoo uu College ku uu leeyahay Faracyo kala duwan qaar ka mid ah gobollada dalka Somalia.
Sidoo kale wuxuu sheegey Eng. Maxamed Jaamac Sahal ay bixiyaan Koorosyo badan oo tiro ahaaan dhaafay Sideed Cource oo lagu baranayo heer sare (Proffesinal ah).
‘Sahal Software , Waa College wayn oo ay wax ka barataan arday badan oo ah qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda, Waxaanu bixinaa Cource yo badan ay ugu muhiimsan tahay Sagaal Cource oo qaybaha ugu muhiimsan ee Cilmiga Computerka , waxaanu soo saarnaa arday tayo badan oo u leh aqoon buuxda dhinaca Computer iyo faracyadiisa Aqooneed. Waxaan bulshada u haynaa aqeedyo kala duwan oo xaga aqoonta ah ‘ ayuu yidhi Maamulaha College ka Sahal Software .
Sidoo kale wuxuu intaa ku daray :’ Waxaanu bulshada ku baaqaynaa inay ka faa’idaystaaan Cource yada kaladuwan ee aanu u hayno , si ay ula Jaan qaadaan nolosha Casriga ah ee maanta dunidu ku nooshahay ‘ ayuu ku darya En Maxamed Jaamac Sahal
Ugu danbayntiii Sahal Software Waa College ka ugu wayn ee laga barto aqoonta Cilmiga Computerka , Wuxuuna soo saaraa arday tayo badan o aqon buuxda u leh Cilmiga Computerka .
no images were found
Halgan.net,Somalia