Maamulkii golaha imaamyada Soomaaliyeed ee Kenya oo xilka ku wareejiyey Maamul cusub
October 26, 2015 - Written by EditorNairobi:-Sh. Cabdicasiis Xibbil oo ah imaamka masaajidka Andalus ee xaafadda Islii, isla markaasna ahaa gudoomiyihii golaha imaamyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ayaa xilka maamulka ku wareejiyey, Sh. Maxamuud Isaaq Aadan oo noqonaya madaxa golaha imaamyada.
Xil-wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa maamulka sare ee hay’adda Al-Ixsaan ee ay ka tirsan yihiin imaamyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana munaasabaddu u dhacday si heer sare ah. Maamulka cusub ee imaamyada Soomaaliyeed ayaa waxaa la doortay khamiistii la soo dhaafay ee ay bishan October ahayd 22. waxaana doorashadaas ka soo qeyb galay in badan oo ka mid ah imaamyada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi.
no images were found
Sh. Maxamuud Isaaq Aadan iyo xubnaha kale ee maamulka cusub ee la doortay ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo horumarinta masaajidda iyo wacyi gelinta shacabka ay ka mid yihiin.
Nairobi
Halgan.net