Madaxweynaha DFS oo u ambabaxay dalalka Boqortooyada Sacuudiga iyo India
October 27, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu wadahadal kula yeelan doono Boqor Salman bin Cabdulcaziz Al Sacuud. Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale, ayaa inta uu joogo Sacuudiga, madaxda dalkaasi kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, iyo iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood dhex mara.
Socdaalka dalka Sacuudiga kadib, Madaxweynaha waxaa uu tegi doonaa magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir madaxeedka India iyo waddamada Afrika.
Shirkaas ayaa waxaa looga arinsan doonaa kobcinta fursadaha maalgashi ee Afrika iyo India, iskaashi dhaqaale oo labada dhinac dhex mara iyo dhiirigelinta ganacsiga iyo shaqa abuurka. Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaraha ee Muqdisho ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.
— DHAMMAAD—
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya