Madaxweynaha Dawladda Puntland oo uga tacsiyeey geeridii ku timi Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hooyadii caawa geeriyootey.
December 14, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca Golayaasha Dawladda Puntland uga tacsi yeeyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim C/laahi Xaaji Cumar Camey geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Hooyadii Marxuumad Faaduma Xuseen Xayle oo ku geeriyootey Magaalada Haydarabaad ee Waddanka Hidniya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Marxuumadda eebbe uga baryey in uu Jannada Fidowsa ka-waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntalnd ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey qoyskii ay kabaxday marxuumaddu isagoona ilaahay uga baryey inuu samir iyo iimaan taam ah kasiiyo, marxuumaddana uu qabriga u waasiciyo dembigeedana dhaafo.
—DHAMMAAD—
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.