Ciidamo ka socda dalka Itoobiya oo gaaray magaalada Kismaayo
January 2, 2016 - Written by EditorCiidamo ka socda dalka Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Ciidamada oo tiradoodu ay tahay illaa 250 askari ayaa waxaa ay hordhac u yihiin kun askari oo Itoobiyan ah kuwaas oo bedeli doona ciidamadii Siralyoon ee isaga baxay magaalada Kismaayo arimo caafimaad awgood.
Sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa saxaafada u xaqiijiyay in 250 askari ee gaaray saaka magaalada Kismaayo waxaana ku jira saraakiisha hogaamin lahaa ciidamada Itoobiya .
Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ay saldhig ka sameysteen dekedda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Masuul ka tirsan Maamulka J/land ayaa sheegay in dhawaan ciidamada Itoobiya ,kuwa Kenya iyo kuwa Maamulka J/land ay qaadi doonaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ku sugan deegaano ka tirsan J/hoose.
Cabdi Yare
Kismaaayo