Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo laga sugayo Boosaaso
January 6, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu soo gaaro magaaada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari si uu uga qayb galo xaflada lagu furayo garoonka diyaaradaha ee Boosaso. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saaka gaaray degmada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Gal- Mudug waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee degmada Cadaado Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug ,wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Gal-Mudug.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa inta uu joogo degmada Cadaado waxaa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda kala duwan ee maamulka Gal-Mudug isagoo kala hadli doono shirkii madaxda Soomaalida oo lagu balan san yahay in uu ka dhaco magaalada Kismaayo walow uu jiro shaki ah in uu dib u dhac ku yimaado.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa laga sugayaa magaalada Boosaaso waxaa la filayaa in uu u soo biiro madax kala duwan oo lagu casumay in ay ka soo qayb galaan furi taanka xaflada Garoonka diyaaradahaa ee Boosaso.
Magaalada Boosaso oo ah xarunta ganacsiga ee Puntland ayaa waxaa ay la ciirciiraysaa Madax iyo mas’uuliyiin fara badan oo Soomaaiyeed oo lagu casumay xafada furitaanka garoonka diyaaraha ee Boosaso iyo weliba shacab fara badan oo doonaya in ay ka qayb gaaan xaflada furitaanka garoonkii ugu horraysay oo caalami ah oo Puntland laga hirgeliyo.
M_M_Deeq
Halgan.net