Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Sharmaake oo laga sugay Boosaaso
January 7, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud iyo Raysulwasaaraha Xukuumada Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa maanta laga sugayaa magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland , Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud iyo Ra’isul wasaare Sharmaake ayaa waxaa ay ka soo degi doonaan garoonka caalamiga ah ee Boosaaso iyagoo ka qayb gali doono xaflada xariga looga jarayo garoonka Garoonka Boosaaso ayaa waxaa ka socda diyaar garow weyn oo lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Sharmaake, garoona diyaaradaha Boosaso ayaa waxaa a soo degay wufuud kala duwan oo beesha caalamka iyo safiirka dalka Shinaha ee Soomaaliya.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. Gaas oo hogaaminaya wafdi balaaran oo uu ku jiro raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed iyo Prof Cali Maxamed Geedi,Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Camey, Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, Wasiro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.
M_M_Deeq
Halgan.net