Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tegay Boosaaso
January 7, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hugaaminaayo ayaa diyaaradii waday waxaa ay soo caga dhigatay garoonka caalamiga ah ee magaalada Boosaaso. Wafdiga Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh. Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweyanaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxmed Cali Gaas , Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,Eng.Camey Gudoomiyah Baarlamaanka , Wasiiro, Xidhibaano , Maamulka Gobolka Bari , Saraakiil Ciidan, Issimo , Nabadoono iyo waxgarad kale.
Wafdiga Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa hadda ku sugan qaybta nasashada ee Garoonka Boosaaso waxaan la filayaa in uu la hadlo saxaafadda.
Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
M_M_Deeq
Boosaaso