Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Kismaayo
January 13, 2016 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa saaka gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay ka soo kicitimeen magaalada Jowhar ooo uu si rasmi ah shalay uga soo furay shirkii maamul u samaynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxaa uu furi doonaa shirka wada tashiga qaran ee la doonayo in madaxda Soomaalidu ay isla meel dhigaan qaabka ugu haboon ee ay noqonayso doorashada Soomaalida Sanadkaan 2016.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaaraha dowadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.
Ilaa hadda lama yaqaan wax ka soo bixi kara shirka wada tashiga qaran ee ka bilaaban doona magaalada Kismaayo xili madaxda Soomaalidu ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka ay u dhacayso doorashada Soomaalida Sanadkaan 2016.
A/cawaale
Halgan.net