Shirka wadatashig qaranka Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Kismaayo
January 14, 2016 - Written by EditorShirka madasha wadatashiga qaranka Soomaalida ayaa goor dhow ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana shirka furay Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyey dhamaan masuuliinta iyo martida ka soo qeyb gashay shirka wuxuuna ugu baaqay in ay ku dadaalaan in shirka uu miro dhalo ayna ka soo baxaan wax dan u ah umada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha J/land Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa haatan wada khudbadiisa wuxuuna soo dhaweeyey dhamaan masuuliinta ka soo qeyb gashay shirka isaga oo guul u rajeeyey shirka.
Shirka madasha wadatashiga qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga fadhiyaa madaxda dalka in ay isku raacaan habka ugu habboon ee loo marayo doorashooyinka la rajeynayo inay ka dhacdo Soomaaliya 2016-ka hadii alle idmo
Wixii warar ah iyo masawirada kala soco dhawaan Halgan.net
Cabdi Yare
Kismaayo