Ururka Al-shabaab oo soo bandhiga askartii Kenya ee ay ku laayeen deeganka Ceel-Cadde
January 21, 2016 - Written by EditorNairobi:-Wasaaradda gaashaandhiga Kenya ayaa qirtay in askar badan looga laayey weerarkii ururka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhiga ay cidanka dalka Kenya u lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo. Warbaahita Ururka Al-shabaab ayaa soo bandhigay askartii Kenyaanka ahaa oo ay ciidanka ururka Al-shabaab ay ku laayeen degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo waxaan ay sheegeen in askar kor u dhaafaysa 100 askari ay ku dileen weerarki ay ku qaadeen saldhiga iidan kenya ay ku lahaayee Ceel-Cadde.
Ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku hayaan 12 askari oo uu ku jiro sarkaalkii haystay saldhiga ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.
Dhinac kale sarkaal u hadlay Wasaaradda ciidanka Kenya Col David Obonyo ayaa qirtay in 40 askari looga dilay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo balse saxaafadda kale duwan ee dalka Kenya ayaa sheegatay in askar badan oo Kenyaan ah lagu dilay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.
Diyaaradaha dalka Kenya ayaa xasuuq ba’an u geystay dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo iyagoo kaga aargudanaya weerarkii Al-shabaab ay ku laayeen ciidankooda
A/cawaale
Halgan.net