Madaxweynihii hore dowladda Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.[Dhagayso]
January 28, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynihii hore dowladda Puntland C/raxmaan Sheekh. Maxamud Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka hadaly go’aanka ka soo baxay shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ayna ku taageereen xubnihii beesha caalamka ee ka qayb galay shirka wadatashiga madaxda Soomaalida.
Madaxweynihii hore dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Sheekh. Maxamud Faroole ayaa ku taageeray go’aanka uu qaatay Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas isagoo eedey u soo jeediye Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in uu garab maray hishiiyadii lagu gaaray Garoowe, Nairobi ,Addis Abba iyo weliba dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu danbayntii ayaa Madaxweynihii hore dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Sh. Maxamud Faroole waxaa uu ugu baaqay beesha caalamka in ay tix geliso dastuurka u yaal dalka Soomaaliya iyo hishiiyadii ay ku saxiixeen Garoowe.
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxweynihii hore dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh. Maxamud Faroole
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/farta.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net