Mu’assada Al-Minhaaj faraceeda Gobolka Bari oo tababar u soo xiray Khudabada Masaajida Boosaaso.[Masawiro]

January 29, 2016 - Written by Editor

20160126_105559Boosaaso:-Waxaa  maanta oo Taariikhdu Tahay 28/01/16  Hoolka Masaajidka Al-rowda ee Bosaaso lagu soo gabagabeeyey Tababar  loo qabtay khadiibyada magaalada Boosaaso kaasoo soconayey  saddex maalmood. Tababarkan oo ay fulinaysay Mu’asasaada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta faraca gobolka bari ayaa ahaa mid noociisa oo kale aan horey looga qaban deegaanadaan.

Xaflada xiritaanka tababarka  oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay  ayaa waxa kasoo qayb galay marti Sharaf kala duwan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana ka mid ahaa: Culumo, Issimo,ganacsato , Aqoonyahanno iyo Khudabadii loo qabtay tababarka. Tababarkan oo ay bixinayeen  tababara yaal carab ah oo kala ah: Dr. Yaxye Cali Maxamed oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacada Bariga Afrika qaybta waxbarashada Sare (Masterska) iyo  Ustaad Haashim Xassan Haashim oo asna Ka Mid ah Macalimiinta Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda  Gaalkacayo .

Munaasabada xiritaanka  Tababarka lagu  Diyaarinayey Khudabada masaajida bosaso ayaa waxa lagu Furay kalmado wacdi ah oo uu soo jeediyey shekh maxamed macalin Axmed oo tilmamay sida ay muhimka uyihiin tababarada noocaan oo kale ,wuxuuna khudabada kula dardaarmay in ku dhaqmaan xirfada ay ka faaidaysteen tababarkan.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj Faraca Bari Xasan Cabdlla Xasan oo ku dheeraaday  ahdaafta laga lahaa tababarkan  loo qabtay ayaa ugu damayn kalmadiisa kusoo gabagabayey Mahadnaq balaaran oo uu usoo jeediyey marti sharaftii kasoo qayb gashay Xaflada iyo Khudabadii looqabtay dowradan. Maxamuud Faarax Deer oo kasocday  Rugta Ganacsiga Puntland  ayaa Waxa uu khudaba ku dhiiri geliyey in isbedel laga dareemo Naftoodana marwalba  Hormariyaan . Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah Issimada Puntland ayaa  kalmad dhiiri galin iyo dardaran ah ka jeediyey munaasabada.

Wasiirkii hore ee Maamul wanaaga Dowlad Goboleedka Puntland hadana ah Hormuudka Kulliyadda Culuumta Siyaasadda Jaamacadda Bariga Afrika Faraca Garoowe Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo Kalmad dheer ka soo jeediyey Xafladda aya ku Booriyey Khudabada Masaajidda ka faa’iidaystay tabarka iney Casharadii ay dowrada ku qaateen fuliyaan Masaajidadana laga dareemo isbedel. Gabagabadii Xaflada ayaa waxaa lagudoonsiiyey  Khudabadii loo qabtay tababarka Shahaadooyin.

no images were found

Mu’assada Al-Minhaaj 
Bosaaso,Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online