Dhagarqabihii dilay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo la qabtay

February 15, 2013 - Written by

Sh-CqaadirGaroowe:-Allaha u naxariistee sidii aan ku sheegnay wararkeenii hore ee maanta waxaa magaalada Garoowe gaar ahaan Masjidka Badr lagu dhex dilay xili lagu jiray Salaadii Casar Sheekh.Cabduqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya. Allaha u naxariistee Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax  ayaa la dilay xili uu ku guda jiray Salaadii Casar rakcadii Afaraad iyadoo dhagarqabihii dilay uu xabada ku dhuftay ka dibna uu salad ka baxay iskuna dayey in uu baxsado balse gabar iyo wiil ayaa ku guulaystay in ay qabtaan wallow uu u gey stay dhaawacyo.

Xiriiro kale duwan oo aan la samaynay ducaad iyo Arday ayaa noo xaqiijiyey in Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax xiligii la dilay uu ku gudo jiray Salaadii Casar Rakcadii u danbaysay, Dhagarqabaha dilka geystay ayaa hadda lagu hayaa Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe. Dilka Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax markii uu dhacay ayaa dadweyne fara badan waxaa ay ku soo xoomeen Isbitaalka weyn ee Garoowe iyadoo dadku ay ahaayeen kuwa raadinaya xogta Shiikh Allaha u naxariistee.

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta xogta rasmiga ah iyo wixii war ah oo ka soo kordha dilka Shiikha.

M_M_Deeq
Halgan.net

14 Comments so far

Leave a comment

  1. inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun
    waa geeridii iigu naxdinta xumayd
    illaahay waxaan uga baryayaa sh.c/qaadir nuur faarax inuu janadii fardawsa ka waraabiyo waa shihiid illaahay diintiisa iyo xaqa cadayntiisa ayaa loo dilay,laakiin waxaa hoogay oo khasaaray aduun iyo aakhiraba kuwa sheekha dilay ,sheekhu wuxuu dhalayayna waa dhalay wuxuu dhaqayayna waa dhaqay cimrigiisiina wuxuu ku qaatay inuu xaqa cadeeyo.illaahayoow diintaada u gargaar alshabaabna illaahow ciribtooda goo aamiin

  2. Innaallillaahi waa inaa ileyhi raajicuun, Sh Cabdiqadir Nuur Farax Allaha u naxariisto Janadii firdowsana allaha geeyo eheladii iyo umada soomaaliyeed uu ka baxayna samir iyoo iimaan allaha ka siiyo AAMIIN meeshii uu baneeyayna khayr allaha noogu badalo.
    Ilaahay waxaa ka baryayaa dadka laynaya culimada umada indhaha u ahayd inuu soo qabto oo fadeexeeyo ayaga iyo kuwa kambeeyaba. AAMIIN

  3. INNAA LILAAHI WAINAA ILLEYHI RAAJICUUN
    SHEIKH ABDULKADIR GACAMEY MATAGAY …… ALLAAHI AKBAR

    Faroole haysaga tago PUNTLAND dadka indhihiiba laga tuurye maxaa haray oo lasugayaa subxaanallaah

  4. I am God and to Him we return إنا لله وإنا إليه راجعون

    كُلُّ نَفۡسٍ۬ ذَآٮِٕقَةُ ٱلۡمَوۡتِ‌ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوۡنَ أُجُورَڪُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَـٰمَةِ‌ۖ فَمَن زُحۡزِحَ عَنِ ٱلنَّارِ وَأُدۡخِلَ ٱلۡجَنَّةَ فَقَدۡ فَازَ‌ۗ وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا مَتَـٰعُ ٱلۡغُرُورِ
    ”Every soul shall have a taste of death and only on the Day of the Judgement shall you be paid your full recompense. Only those who are saved from the fire and admitted to Paradise (Jannah) will have attained the object (of life). For the life of this world is but good and chattels of deception.”

    • Brother Abdirizak the meaning of the word ( Innaa Lillaahi) in English isn’t means “I am God) and it is meaning is ( we belong to Allah). Thanks

  5. inaalilahi wainaileile rajicuun sheqa waxan illah uga baryaya inuu janatul fardosa geeyo dhaman qarabada uka geeriyodayna samir iyo imaan kasiiyo iyo dhaman umada soomaliyeed

  6. asc dhamaan walaalaha inaalilaahi wa niaalilaahi raa jacuun alaha unaxa riisto sheekha iheledii iyo qaraabadii uukabaxayna samir iyo iimaan laha kasiiyo aamiin

  7. walaalayaalow fadlan aamiin daha bal in ilaahay aamiinta ajiibo:
    yaa ALLAH yaa ALLAH yaa ALLAH yaa RAQIIB yaa RAQIIB ilaahow AL SHABAAB BAABI’I OO MID HAKA REEBIN. ilaahow waad ku filantahay rabiyow raxmaanow TIR TIR. ILAAHOW TIR TIR. ILAAHOW CIRIB TOODA GOOO. ILAAOHW CIRIB TIR. ILAAHOW CIRIB TIR. Ilaahow fashili oo xumaantooda inta ay ka qarsoon tahay usoo ban bixi. ILAAHOW FASHILI ILAAHOW FASHILI.
    AAMIIN AAAMIN

  8. أنا لله وأنا اليه راجعو
    ina cabdi godanow haday kugu cadaato inaad adigu kadanbeysey dilka sheikh cabdulqaadir walaahi waa naqaan caruurtaadu guriga ay kadeganyihiin emaradka

  9. Alshabab ayaa arrintaas ka danbeysay ,, horey ayuu u sheegey shiikh abdulqaadir oo uu yiri maalintii uu ka hadlayey aaska saaxiibkiis Dr shiikh axmed xaaji abdirahman,, waan xasuustaa wuxuu shiikhu maalintaas yiri annagu waan garaneynaa dadka na laynaya oo dhiigayaga baneysanaya kuwaas oo si cad uu u sheegey alshabab in ay yihiin ,,, waxaan ilaahay uga baryin shiikha in uu janato fardowso ka waraabiyo

  10. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAJICUUN WAXAN ILAAHAY OOGA BARYAYAA INUU NAXARIISITII JANO KAWARAABIYO DHAMAAN QARAABADII EHELKII SHEEKHANA SAMIR IYO IIMAN KASIIYO GACAN KUDHIIGLIHII DILAYNA EEBE KA AMAAL MARIYO JARIIMADA UU GALAY

  11. أنا لله وانا اليه راجعون
    Alle ha u naxariisto sheekh c/qaadir nuur faarax
    Geeridan oo ah kuwii iigu naxdinta badnaa intii aan noolaa, waxaan tacsi u dirayaa Eheladii iyo qaraabadii uu ka tegay.
    Waxaan kale oo tacsi u dirayaa dhammaan culimadii yip ardaydii ay mudada badan zoo wads qaateen iyo guud ahaan dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed .
    Ilaahay ha u naxariisto Hana geeyo jannadii fardawsa

  12. Assalamualeykum waraxmatullahi wabarakaatu,
    Innalillahi wa innaaileyhi raj’uun!! May Allah give them an easy and pleasant journey and shower blessings on his/her grave.

    Ameen.

  13. ASSALAMU CALAYKUM.
    Ninka shiikha dilay hala soo bandhigo intaan la qisaasin.

    Waa codsi si indhaheena u aragto duliga ka muuqda dhagar-qabahaas.

    wadani

Leave a comment

*