Sheekh Cali Maxamed Saalax oo tacsi u diray Ehelada Sh C/qaadir Nuur Faarax

February 18, 2013 - Written by

drcaliSheekh Cali Maxamed Saaalax oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ahna Sheekh Masjidka Al-Tawfiiqa ee magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway ayaa tacsi u diraya eheladii iyo Qaraabadii iyo umadda Islaamka ee Soomaaliyeed uu ka geeriyooday Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Alha u naxariistee.

Sheekhu geeridiisu si gaar ah ayey ii taabatey maadaama uu ahaa sheekheeyga iyo Macalinkeyga. wuxuu ilaahey i waafajiyey inaan wax badan ka aqristey 1984 iyo wixii ka dambeeyey Masaajidka Ceel Hindi intii uu saxiixu Muslimka iyo raxiiqul makhtuumka ka aqrinaayey.

Sheekhu waxaa uu ilaahey sabab ugaga dhigey inuu noqdo asaasayaashii dacwada iyo baraaruga maanta ka jira wadanka oo ah wax aan Eebe weyne ka baryayaa inuu miisaankiisa xasanaatka ugu daro.  Falkan dilka ahna ee foosha xun ayaa ah mid aan waafaqsaneyn diinta Islaamka lagu naar mudanayo waxaana illaahey weydiisaneynaa inuu noo badbaadiyo culimadeena, ducaadeena dhamaantood.

Falka dilka ah haddii uu yahay mid ku saleysan faker diini ah waxaan filayaa in qof kasta oo caqli iyo cilmi gaabanba inuu haleeli karo inuu yahey mid qaloocan oo salka ku haya Caqiidooyinka Khaldan  boosna haba yaraatee aan looga heleynin dinta Islaamka Islaamka .

Dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax  waxaa ka horeeyey dilka Sheekh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxaana alle ugu baryayaa dhamaan in alle janadii ka waraabiyo  Aaamiiin.

Dr. Cali Maxamed Saalax Cabdalla
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. allahuma amiin

Leave a comment

*