Ciidanka DFS iyo AMISOM oo sheegtay la wareegista deegaanka Ceyn

April 23, 2014 - Written by Editor

buuloHiiraan:-Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadeen deegaanka Ceyn oo 36 km dhinaca waqooyi-bari uga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan waxaa halkaas xarun u ahayd kooxda  Al-Shabaab

G/Srae Xuseen Hoorow oo ka mid ah saraakiisha ciidanka DFS ayaa u sheegay warbaahinta in saaka ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay gaareen deegaanka Ceyn wuxuuna sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay isaga baxeen

Mar wax laga weydiiyey khasaaraha kala gaaray laba dhinac ayaa waxaa uu sheegay in labo qof ay ka dileen Al-Shabaab gaar kalana ay dhaawaceen .G/Srae Xuseen Hoorow ayaa sheegay in Al-Shabaab ay duulaanka ka soo qaadi jireen deegaanka Ceyn ayna dhibaateyn jireen dadweynaha u kala safra Degmooyinka Buulo-burte iyo B/weyne

Ilaa haatan ma jiraa cid xaqiijisay guusha ay sheegteen ciidanka DFS .Mana jirto cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online