Duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo oo xilka la wareegay (Masawiro)

April 23, 2014 - Written by Editor

728Gaalkacyo:-Waxaa maanta xaflad ka dhacday Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo si rasmi ah xilkii Duqa  degmada Gaalkacyo ula wareegay Cabdicasiis Jaamac Guuleed isagoo xilkaas kala wareegay Duqii hore ee degmada Gaalakacyo  Col.Axmed Cali Salaad oo in mudo ah hayey xilka.

Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Guuleed oo ka hadlay xaflada xil wareegjinta ayaa waxaa uu balan qaaday in xilka loo igmaday uu ka soo bixi doono isagoo ka codsaday bulshada reer Gaalkacyo iyo maamulkii isaga ka horeeyey in ay la shaqeeyaan.

Duqii hore ee degmada Gaalkacyo Col.Axmed Cali Salaad oo xaflada xil wareejinta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu la shaqayn doono duqa cusub ee degmada  Gaalkacyo isagoo  sheegay  in maamulka cusub laga doonayo in ay bixiyaan deymo lagu leeyahay maamulkii hore walow lacag yar oo dolwdda hoose leedaya lagu wareejiyey duqa degmada Gaalkacyo.

no images were found

Xaflada xil wareejinta  ayaa  waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan [Axmed Karaash] iyo weliba Gudoomiyaha Mudug Maxamed Yuusuf Jamac Tigey iyagoo aad u booriyey qaabka xilka loola kala wareegay waxaan uu balan qaadeen Gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo wasiirka arrimaha gudah Axmed Cilmi Cismaan in ay ka war hayn doonaa qaabka uu u shaqeeyo maamulka cusub.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online