Qarax caawa ka dhacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi [Video]

April 23, 2014 - Written by Editor

qaraxNairobi:-Qaraxa ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday gaari, waxaana uu ka dhacay saldhigga Bangani, ee ay aadka u taqaano Soomaalida magaalada Nairobi.

Wararka ilaa iyo hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa 4 qof la rumeysan yahay iney ku dhinteen, waxaana wararku intaas ku darayaan in laba ka mid ah ay yihiin ciidanka bileyska ee saldhigga, waxaana wararkaas sii daayay qaar ka mid ah taleefhishinnada dalka Kenya.

Waxaa soconaya baaritaan, iyadoo xaaladdu aad u cakiran tahay, waxaana la sheegayaa in saldhigga Bangani, ay soo gaareen saraakiil sare oo ammaanka Kenya ka mid ah.

Qaraxan, ayaa waxa uu imaanayaa xili dhawaanahan xaafadda Islii, uu ka soconayay howlgal balaaran oo lagu qabqabtay kumayaal qof oo Soomaali u badan, waxaana laga baqanayaa saameynta uu qaraxan kusii yeelan karo  Soomaalidii horeyba dhibka ugu qabtay ciidanka ammaanka dalka Kenya.

Hoos ka Daawo Qaraxa caawa ka dhacay Afaafka hore ee Saldhiga Bangani ee xaafada Islii

Halgan.net/Somalireal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online