Dawrooyinka sayfiga oo ka bilowday Masjidka Jaamicul Madiina ee Burco(Masawiro)

June 22, 2014 - Written by Editor

777Burco:-Masaajidka weyn ee Jaamicul madiina (Indhodeero) ee Magaalada Burco waxaa saaka ka bilaamatay xaflad lagu furayey Dawradii la magac baxaday Shiikh Maxamed Bin C/wahaab. Dawradan oo ahayd Dawradii 6/aad ee ay soo qaban qaabiyeen Ardayda Jaamacadda Madiinatu-Almunawara.

Dawradan oo ay horseed ka yihiin Sheekh Dr Xasan Sh. Cali Warsame, Sheekh Dr Faysal Maxamed Cali. Sh. C/raxmaan Aadan Ali. Sh. Daa’uud Cali Xusen.

Ugu horayn waxaa xaflada furitaanka waxaa hadalo koob kooban ka jeediyey Culamadii ka soo qayb gashay oo ay ka mid ahaayeen Fadiilatu Sh. Cali Warsame Xasan. Sh. Cali Axmed Maxamed (Cali Mowliid). Sh. Maxamed Shukri Xasan. Sh. Cabdilaahi daahir jaamac. Sh. Mustafe Adan.

Sh. Cali Warsame Xasan ayaa ugu horayn u mahadnaqay Culimada soo diyaariyey dawradan. Wuxuuna hadalo waano usoo jeediyey Ardayda doonaysa inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah. “ Maadaaba aad tihiin da’ yartii iyo jiilashii cusbaa ee umadan dhaxlayey waxaa la idiinka baahan yahay inaad kor u qaadaan Aqoontiina diineed, waxaa la idiinka baahan yahay inaad bedeshaan mujtamaca maadaaba uu ku soconayo dagaal dibadeed iyo mid gudeedba”. Wuxuu sheikh cali tilmaamay in Cilmiga shareecadu yahay ka lagaga hortagayo jahliha iyo fasaadka ragaadiya Bulshadu, dumiyana Qayimka ay leedahay Ummaddu.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Sh. Cali Axmed Maxamed (Cali mowliid) oo ka mida Culimada iyo Aqoonyahanada gobolka wuxuuna ku fogaaday Maadaaba ay dhalinyaradu yihiin mustaqbalkii Ummadda, iyo kuwii berito qaban lahaa hogaanka Dalka inay u diyaar garoobaan inay noqdaan macalimiintii mustaqbalka. “ waxaa maanta Caalamka lagu tartamaa waa sidii wax loogashan lahaa Jiilasha idinka oo kale si ay berito Afkaar iyo aragti kale ay ula yimaadaan.” Wuxuu ku soo khatimay inay u diyaar garoobaan inay buuxiyaan dawrkii ay ku lahaayeen Bulshada oo ah in wax loo barto si loogu hago ummadda dariiqa toosan.

Waxa kale oo kelmado qiimo badan oo quluubta dadka ruxay ka soo jeediyey furitaanka dawradan Sh. Maxamed Shukri Xasan oo ka mida Culimada waaweyn ee gobolka togdheer. Ugu horayn wuxuu ku bilaabay in Akhrinta iyo qoristu ay tahay furaha ugu horeeya ee lagaga baxo jahliga. ummaddana lagaga soo saaro Mugdiga iyo jahliga looguna saaro Iftiinka iyo Aqoonta. Wuxuuna xusay inay Ummadani ay qiimo ku lahayd Kitaabka Alle cisaduna ku jirto isaga wax kalena aan lagu gaadhayn wanaag. Wuxuu Sheikh Maxamed kusoo khatimay in dawradan aad looga faa’iidaysto, Aqoonta iyo cilmiga lagaqaatana loo bedelo ficil camali ah. Laguna xidhnaado Culimada si looga badbaado Inxiraaf iyo faham khaldan.

Ugu danbayn waxaa madasha ka hadlay Sheekh Dr.Xasan Sh Cali Warsame oo ka mida Culimada soo Diyaariyey dawrooyinkan, Mahadnaq balaadhan oo uu usoo jeediyey Culimada kala qayb qaadanaysa Dawradan ka dib wuxuuna ka warbixiyey ujeedooyinka iyo ahdaafta laga leeyahay dawradan inay ka mid tahay.

no images were found

1- in la barto cilmiga Shareecada Islaamka iyadoo lagu gudbinayo wasaa’il ama dariiqayo cusub iyadoo laga faa’iideysanayo fasaxyada waxbarashada.

2-In dhalinyarada la tusiyo dariiqooyin cusub oo lagu faafin karo cilmiga shareecada iyadoo la adeegsanayo qorshe fudud iyo waqti kooban oo camali ah.

3-In fursad lasiiyo ardayda aan waqtiga u helin inay barashada shareecada kuna xidhnayn Masaajidada.

4- In laga faa’iideysto waqtiga dhalin yaranimada iyo fursada la haysto si loobuuxiyo firaaqada banana ee la haysto.
Dawradan oo ah tii 6 ee wata shicaarka Sh. Maxamed Bin Cabdiwahaab waxay soo bilaabeen 1428 oo ku began 2008 waxaa soo daadihiynayey Ardayda ka socota jaamicada Islaamiga ee Madiinatu-Almunawara. Oo sanad walba iska xilsaara sidii ay uga faa’iideyn lahaayeen Aqoonta ay xanbaarsan yihiin Bulshadana ugu soo celin lahaayeen wax ka mida Aqoontooda.

Multaqa Al imaamu shafici Network
Burco

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online