Muxaadaraadkii Sh Umal ka jeediyey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee Qardho.[Dhagayso]

June 18, 2014 - Written by Editor

1Qardho:-Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa ilaa intii uu safar dacwadeed ku gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar waxaa uu Sheekh Umal uu ka a jeediyey muxaadaraad kale duwan isagoo ka  jawaabay su.aalo aad u fara badan oo diini ah oo Sheekha la wiidiiyey. Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaraadka inta badan ka jeediye Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalada Qardho waxaan ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo aad u xiisaynayey in ay dhagaystaan muxaadaraadka Sh Umal.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Qardho waxaa uu kulan gaar ah la qaatay Boqor Burhaan Boqor Muuse , Issimo , Cuqaal iyo Nabadoonada Qardhood waxaan uu is waraysi ka dib iyo soo dhaweyn uu u jeediyey Dardaaran u badnaa in ay ka shaqeeyaan nabadgelayada iyo amaanka Allena ay uga baqaan masuuliyadda ka saran bulshadooda doortay

Sh Maxamed  Cabdi Umal ayaa waxaa muxaadaraadka uu jeediyey aan ka xusi karnaa:-

1. Dawaabida Takfiirka

2. Fidinta Diinta waa waajib saran Qof walba

3. Kaalinta ay dumarku ku leeyihiin Hagaajinta Bulshada

Inta aysan bilaaban muxaadarad habeenkii koowaad ayaa waxaa hadalo soo dhaweyn iyo mahad celin ka jediyey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab gudoomiyaha Gobolka Karkaar iyo degmada Qardho , Taliyaha ciidanka Booliska Puntland , Sh Xassan Bookh,Issimo, Cuqaal iyo waxgarad kale

Hoos ka Dhagayso Furitaankii muxaadaradka Sh Umal ka jeediyey ee Qardho inta aysan bilaaban.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/y2p5perg0w/furitaan.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Furitaanka ka dib ayaa waxaa si toos ah loo guda galay habeenkii koowaad muxaadaradii 1aad waxaan uu Sheekh.Maxamed Cabdi Umal kaga hadlay Gaalaysiinta qof muslinka ah iyo Sohdimaha ay Shareecada Islaamku u samaysay , Sh Fu’aad  oo ka mid ah culimada ku nol deeganada Puntland ayaa isagu waxaa uu daadihinayey furitaanka  muxaadaraadka isagoo sidoo kale waydinayey Sh Umal su’aalaha diiniga ah ee ay bulshadu u baahnayad in laga jaahil bixiyo

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Dawaabida Takfiirka ee Sh Umal ka jeediyey Qardho

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/fakxrj3g8u/Takfiir.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Kaalinta ay dumarku ku leeyihiin Hagaajinta Bulshada ee Sh Umal ka jeediyey Qardho

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/jv723b835j/Kaalinta_kaga_aadan_haweenayda_Islaaxinta_Umadda.mp3]
Halkaan ka Dhagayso Mp3
 

Mu’ssastu Minhaaj
Qardho,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online