Sh.Umal oo habeenkii 2aad Muxaadaro ka soo jeediyay Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso.[Cod/Masawiro]

June 18, 2014 - Written by Editor

14[1]Boosaaso:-Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada ugu caasan Soomaaliya ayaa habeenkii labaad waxa uu muxaadaro qayim ah ka soo jeediyay Masjidka weyn  Al-Rowda Ee Magaalada Boosaaso iyadoona cinwaanka muxaadaradaasi uu ahaa ”Tilmaamaha ay leeyihiin dadka Mu’miniinta”. Inta aysan bilaaban Muxaadarada Sh.Umal  ayaa waxaa lagu maamuusay inuu furo Duqa Degmada Boosaaso Xassan Cabdalla Xassan oo ka mid ahaa dadkii ka faa’ideysanayay Muxaadarooyinka sheekh Umal uu ka soo jeedinayo Masjidka Rowda ee Magaalada Boosaaso.

Duqa Degmada Boosaaso Xassan Cabdalla Xasan ayaa ugu horeyn umahad celiyay Sh.Maxamed Cabdi Umal dadaalka dheeriga ah ee uu ku marayo Gobolo badan oo soomaaliya ah, waxaana sidoo kale uu mahad balaaran usoo jeediyay dadweynihii ka soo qeybgalay dhageysiga Muxaadarooyinka sheekha oo ahaa kuwa aad u farabadan oo masjidkaba soo buux dhaafiyay, iyadoona qaarkood ay kala socdeen muxaadarada sheekha qeybaha sare ee Masjidka Al Rowda iyo goobaha ku hareeraysan.

Ugu dambeyn waxa uu Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan uu ku booriyay  dhammaan dadweynaha  Bossaaso ee iyagu Muxaadarada kala socday Idaacadda Al-Xikma Xarumaheeda kala duwan  iyo kuwa sida tooska ah masjidka ugu sugnaa  inay ka faa’ideystaan  Muxaadarooyinka Sheekha.

Intaasi ka dib ayaa waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay  Sheekh.Umal,wuxuuna sharaxaad kooban uu ka bixiyay Tilmaamaha Astaamaha,Iyo Calaamadaha lagu garto Dadka Mu’miniinta ah, waxuuna sheegay sheekhu in alle SW uu cadeeyay Tilmaamaha dadka mu’miniinta ah iyo kuwa mushrikiinta ah.

Tilmaamaha mu’miniinta ayaa sheekhu waxa uu sheegay  inay u qeybsamaan Dhowr nooc oo kala ah  sifaad Ictiqaadiyah.Sifaat Ficliyah kuwaasi oo dhammaantood looga bahaanyahay inay la yimaadaan dadka rumeeyay alle SW Iyo Nabiyulaahi Muxammed C.S.W.

Sheekhu waxa uu sheegay in dadka muslimiinta ah ay leeyihiin sifooyin wanaagsan uu alle ku amaanay kuwaasi oo ay ka mid tahay in  muslimiintu ay yihiin kuwa gacmahoodu ay furanyihiin amaba ay yihiin kuwa wax baxsada oo wax sadaqeysta  oo aysan ahayn kuwa bakhiiliin ah.

Sidoo kale waxaa ka mid ah sifooyinka dadka mu’miniinta ah waxay rumeeyaan oo ay yaqiinsadaan Jiritaanka maalinta aakhiro iyo is xisaabinta maalintaasi,waxaana ka dhalanaya rumeyntaasi inay usii diyaar garoobaan oo ay ushaqeystaan wixii ay ku badbaadi lahaayeen maalintaasi dhibka badan ee qur’aank iyo axaadithtuba ay ka hadleen.

Waxaa kaloo ka mid ah Tilmaamaha Dadka mu’miniinta inay yihiin  kuwa caradooda celiya oo aysan ka xoog badan markii ay wax carro ah ku timaado, waana kuwa wax cafiya markii wax ay dhibsanayan lagu sameeyo iyagoona ka jeedsanaya oo is hilmaansiinaya dhibkii lagu sameeyay ama loo geystay taana waa tilmaamaha ay ku maneysteen inay yihiin kuwa cafis badan.

Sidoo kale sheekhu waxa uu sheegay in Astaamaha Dadka mu’miniinta ah ka mid tahay  inay yihiin kuwa soo noqda marka ay sameeyaan dambi, mana daa’imaan dambiga ay galaan  ilaa ay ka  soo noqdaan oo alle SW ay utoobad keenaan,waana kuwa soo noqod badan markii dambiga uu ka dhaco.

Sidoo kale dadka mu’miniinta ah waa kuwa cabsi badan oo ka baqa alle SW waana waxa ku booriya muslmiinta inay mar walba alle ay utoobad keenaan,wuxuuna sheekhu sheegay haddii aysan jiri lahayn baqdintaasi inay ahaan lahaayeen kuwa sameeya waxa ay doonaan, waxuuna sheekhu cadeeyay tusaalooyin wanaagsan oo cabsida tilmaamaya ama muujinaya wuxuuna sheegay markii aad cabsanayso in iimaanku qalbigaaga ku jira oo kugu dhiira galinayo inaad alle SW ad ulaabato balse haddii aadan baqdin dareemeen aad sameyneyso waxaad doonto ileen ma jiro iimaan ku dareensiinaya cabsida alle SW.

Sidoo kale dadka mu’miniinta ah markii lagu akhriyo Aayadaha Qur’aanka waxaa siyaadiya iimaankooda,waxayna  sidoo kale dhadhansanayaan macaanida cibaadadu ay leedahay,waana kuwa tala saarasho badan oo alle SW ayay Tawakalayaan waxayna mar walba ay aaminsanyihiin Natiijada ka soo baxda Talasaarashadaasi Alle SW.

Dadka mu’miniinta ah waxay oofiyaan balamaha ay galaan gaar ahaan balamaha ay rabbigooda la galaan iyo sidoo kale balamaha ay la galaan adoomada alle SW, waana kuwa xil iska saaar sidii ay oo gudan lahaayeen oofinta balamahaasi, waana kuwa inta badan ilaaliya balamaha ay galayaan xitaa hadii ay la galayaan dadka gaalada ah, wuxuuna sheekhu soo qaatey Tusaalooyin badan oo ka tarjumaya oofinta balamaha gaar ahaan wakhtigii uu noolaa Nabbiga C.S.W.

Sidoo kale Dadka mu’miniinta ah waa kuwa ilaaliya ama xifdiya amaanada alle SW Iyo Mida adoomaha alle ay udhiibtaan,sidoo kale mu’miniintu waxay wakhtigooda ku bixiyaan kheyrka alle waxayna iska ilaaliyaan oo ay ka digtoonaadaan waxyaabaha maala yacniga ah ee aan faa’idada ukeeneen.

Ugu dambeyntiina waxa sheekha uu kusoo gaba gabeeyay muxaadaradii qiimaha badneed ee uu uga hadlayay Tilmaamaha dadka mu’miniinta ah in Tilmaamahaasi wanaagsan ee ay leeyihiin dadka mu’miniinta inuu alle naga dhigo kuwa astaamahaasi la yimaado oo kheyrka iyo wanaaga isku booriya.

Muxaadarada ka dib ayaa waxaa sheekhu uu ka jawaabay su’aalo badan oo ay soo weydiiyeen dadweynihii faraha badan ee muxaadarada dhageysanayay,iyadoona su’aalaha uu sheekhu ka jawaabayay ay ahaayeen kuwa isagu jirey Kuwa ku saabsan mawduucayadii sheekha uu ka hadlay Labadii habeen ee uu muxaadarada so jeedinayay  iyo kuwa kale oo ku saabsanaa Xisaabaadka Iyo Ganacsiga maadaama Magaalada Boosaaso ay tahay Magaalo Ganacsi.

Si kastaba Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa intii uu ku suganaa deeaanada Puntland waxaa uu muxaadaraad iyo wacdyi gelin ka soo jeediyey dhamaan deegaanadii uu socdaalka uu ku soo maray waxaan ka mid ahaa meelaha uu Shiikhu tegay magaalooyinka Laascaanood, Garoowe, Qardho, Waaciya , Carmo iyo Boosaaso oo uu hadda ku sugan yahay habeenkii labaadna uu si toos ah muxaadarooyin uga soo jeediyay Masjidka Al-Rowda.

no images were found

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii 2aad ee caawa Sh Maxamed Cabdi Umal ka jeediyey Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/lvns3lmcc9/Tilmaamaha_Dadka_Mu_miniinta_ah.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Mu’asasada Al Minhaaj
Bosaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online