Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada Puntland oo riday xukun kala duwan

September 15, 2014 - Written by Editor

DSC045Boosaaso:-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Gardafuul Bari Karkaar,Sanaag iyo Haylan ayaa maanta waxay xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal gaaraya ilaa 6 qof oo ay mid ka mid ah ay tahay dumar.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa ay maxkamada darajada koowaad ku eedeysay 8 qof falal lid ku ah amaanka sida dil iyo in ay qaar ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa ay kala yihiin saaka la keenay maxkamada

1-Saacid Aadan Cabdulle
2-Aadan Maxmad Yuusuf
3-Faarax Maxamad Axmad
4-Salmo Cabdi Maxamuud
5-C/wali Cabdullaahi Cilmi.
6-Daa’uud Aadan Ibraahim
7-Dable Maxamuud Maxamad Yuusuf
8-Ismaaciil C/qaadir Jimcaale

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Gardafuul, Bari, Karkaar, Sanaag iyo Haylan ayaa waxaa ay dil toogasho ah ku xukuntay Dable Maxamuud Maxamad Yuusuf oo ka tirsanaa ciidanka PSF,iyo Aadan Maxamad Yuusuf oo ay maxkamada sheegtay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa waxay dib u dhigay 6 qof oo kale kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ka dib markii uu sidaas codsaday gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida C/fitaax Xaaji Aadan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online