SomaliTalk:- Muranka xadeynta badda ee loo gudbiyay Maxkamadda Hague

September 1, 2014 - Written by Editor

buug1Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee AP maalintii shalay (August 28, 2014), Soomaaliya waxay maalintii khamiista weydiisatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Hague in la calaamadeeyo xuduudda badda ee ay Soomaaliya la wadaagto waddanka Kenya.

Sida warku sheegay, codsiga ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah waxay ku sheegtay ” in labada waddan ay isku afgaran-waayeen halka ay mareyso xuduudda badda ee u dhaxeysa, ayadoo labada waddanba ay sheeganayaan dhul-badeed isku mid ah”.

Warkaan culus ee saameynta ku yeelan doona aayaha dambe ee dhul-badeedka Soomaaliya, ayaa wuxuu durbaba sababay dareen diidmo ah oo ay ka muujiyeen waxgaradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed. Waxayna aqoonyahannadu aad uga digeen halista ka imaan karta arrinkaan haddii aan shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaankoodu go’aan degdeg ah oo diidmo ah kala hor imaannin.

Sidoo kale waxaa Agoosto 28, 2014 website-ka maxkamadda adduunka ee Hague lagu daabacay warsaxaafadeed ay maxkamaddu ku cadaynayso in Soomaaliya ay dacwaddaas ku saabsan badda u soo gudbisey. Halkan ka akhriso

Faafin: Halgan.net
SomaliTalk.com

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online