Abu Qataada oo mar kale ku tilmaamay Kooxda Daacish Khawaarij iyo Mujrimiin (Daawo)

March 11, 2015 - Written by Editor

Screen-Shot-2015-03-05-at-2_41_49-PM-620x330Wadaadka lagu magacaabo Cumar Maxamuud Cismaan kuna magacdheer Abu Qataada Al-Falastiini ayaa mar kale ka hadlay xaqiiqada kooxda Khawaarijta ee Daacish mar uu wareysi siiyey wariyaha Bilal Abdul Kareem wuxuuna ku celiyey in kooxda Daacish in ay yihiin Khawaarij, Mujrimiin iyo in Islaamka uu bari ka yahay afcaashooda guracan.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa dowlada Urdun u soo gacan galiyey dowlada Ingiriiska ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu ka mid yahay kooxda Al-Qaacida khatarna uu ku yahay amniga dalkooda.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa uu ka mid yahay wadaada caanka ku ahaa gaaleysiinta iyo qiil u raadinta kooxihii ka dagaalami jiray dalka Al-Jeeriya gaar ahaan kooxdii Jamaaca Islaamiya waxaana ay kooxdaas dishay dad aad u badan oo ay ku jiraan culumadii ugu caansanaa dalka Al Jeeriya sida Sh Maxamed Saciida iyo culumo iyo ducaad badan.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa maanta ka cabaadaya wixii uu shalay dhalinta ku shubi jiray oo uu ku faafin jiray joornaalkii ka soo bixi jiray gudaha dalka ingiriiska ee lagu magacaabi jiray Al-Ansaar iyo risaalooyinka uu ku faafin jiray Mareegta lagu uruuriyo afkaarta Khawaarijta ee Manbar Al-Tawxiid .

Abu Qataada Al-Falastiini iyo raga la fikirka ah waxaa ay ka qeylinayaan ka dib markii kooxda Daacish ay diiday in ay ka amar qaadato Al-Qaacida iyo markii ay si quman u dabaqday Manhajkii hore ee Abu Qataada iyo rag badan oo ay isku bah yihiin.

Abu Qadaata ayaa sheegay in kooxda Daacish Khilaafada ay sheeganeyso uu yahay baadil ayna xalaalsadeen dhiiga kooxaha kale ee Mujaahidiinta wuxuuna sheegay in ay fitan dhexdhigeen kooxo uu ku sheegay Mujaahidiin isaga oo ula jeeda Al-Qaacida.

Wadamada Yemen,Libya.Masar,Mali,Naijeriya ayaa waxaa ka jira Khilaaf u dhexeeya kooxo raacsan Al-Qaacida iyo Daacish waxaana meelaha qaar ka dhacday in ay is gaaleysiiyeen oo ay birta iska asleen sida ka socota Shaam .

Wadaadka Abu Qataada ayaa iska diiday in uu la safan yahay cadowga Islaamka isaga oo sheegay in uu soo dhaweynayo Jihaadka ay Daacish ka wadaan Ciraaq iyo dagaalka ay kula jiraan Murtadiinta! Abu Qataada ayaa ku qoonsaday Daacish markii ay diiday in ay hoos tagto Al-Qaacida iyo raga uu ka mid yahay oo rabay  in ay afduubaan kooxaha hubeysan ee la fikirka ah Al-Qaacida iyo Jihaadkii.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaan sheegay in aan loogu yeeri karin Khilaafa kooxda Daacish iyo horjoogahooda Abu Bakar Al-Baqdaadi waxaa sidoo kale uu sheegay in aqli xumada ay ku kaceen kooxda Daacish ay sabab u tahay in la laayo Muslimiinta Suniga ee Ciraaq oo uu haatan ku soco dulaan ay wadaan kooxaha Shiicada iyo Isbaheysigooda Yaziidiinta iyo kooxo Kirishtaan gaalo ah oo ka soo jeeda asal ahaan Ciraaq iyo huwanta Reer Galbeedka .

Wadaadka lagu magacaabo Cumar Maxamuud Cismaan ( Abu Qataada) ayaa sidoo kale wuxuu aad ugu dheeraaday dhibaatada ay kooxda Khawaarijta Daacish ka geysteen dalka Suuriya sida leynta culumada iyo saraakiishii kooxaha Islaamiyiinta ka dib markii ay gaaleysiiyeen.

Hoos ka Daawo Abu Qataada Kooxda Daacish waxaa Khawaarij iyo Mujrimiin

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa kale uu uga hadlay wareysiga uu siiyey wariyaha Bilal Abdul Kareem xarigiisa iyo eedeymihii lagu soo oogay dhamaan taas oo uu ku sheegay mid baadil ah .

Hoos ka Daawo Abu Qataada Al-Falastiini oo ka waramaya xarigiisa iyo eedeymihii lagu soo eedeeyey

Dowlada Urdun ayaa xabsiga ka sii deysay Abu Qataada Al-Falastiini iyo Abu Maxamed Al-Maqdasi waxayna haatan si nabad ah ugu nool yihiin Urdun.

Kooxda Daacish ayaa ku sheegay labada wadaad ee Abu Qataada iyo Abu Maxamed Al-Maqdasi kuwa lunsan umadana lumiyey iyaga oo si gaar ah ugu eedeeyey Abu Maxamed Al-Maqdasi in uu yahay Jaasuus la shaqeysta sirdoonka Urdun iyo Mareykanka.

Halkan ka eeg Abu Qataada uu ku sheegay Daacish in ay yihiin Eyda Naarta

Halkan ka Eeg Kooxda Daacish oo weerar afka ah ku qaaday hogaanka Al-Qacida ,Mulla Cumar .Abu Qataada .Abu Maxamed Al-Maqdasi

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online