DFS oo War Murtiyeed ka soo saartay Xaaladda Dalka Yemen (Akhriso)

March 27, 2015 - Written by Editor

War-saxaafadeedMuqdisho:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xiriir walaalnimo oo qoto dheer, mid bulsho oo soo jireen ah iyo darisnimo dhuleed oo dhow la leh dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, waxay aad uga xun tahay dhibaatada gaartay Yemen.

Dowladda Soomaaliya iyadoo ka duuleysa xiriirkaas faca weyn iyo mas’uuliyadda saaran, ka dowlad carbeed ahaan.Iyadoo garawsan halka ay xaaladda Yemen ku dambeyn doonto haddii ay sidan ku sii socoto.
Ka dib markii aan aragnay.

1- Sida Shacabka Yemen ay raalli uga yihiin una taageersan yihiin madaxweynaha sharciga ah Abdraboh Mansour Hadi, taas oo ridistiisa,afduubistiisa,duqeynta xaruntiisa iyo u diidista in uu waajibaadkiisa qaran guto ka dhigeysa Af-gembi ka dhan ah sharciga,diinta iyo xeerarka caalamiga ah.

2- Markaan aragnay Hindisihii dowladaha Golaha Iskaashiga Khaliijka ee looga gol lahaa in lagu joojiyo dhiigga qubanaya, dalka Yemenna looga saaro dhibaatada haysata, iyadoo dalalka Khaliijku aad u daneeyaan Yemen, si ka badan dunida inteeda kale.
3- Innagoo maanka ku hayna qodobbadii ka soo baxay Shirweynihii Qaran ee ay ka qeyb galeen dhinacyada Shacabka Yemen iyadoo aan cidna laga tagin.
4- Innagoo tix gelineyna go’aannadii Golaha Iskaashiga Khaliijka,War-murtiyeedkii ka soo baxay Golaha ammaanka iyo Jaamacadda Carabta, ee ku baaqayay in la xushmeeyo sharciyadda , xaaladdana lagu soo celiyo jidka saxda ah.
5- Innagoo cuskaneyna codsigii madaxweynaha Yemen AbdRabou Masour Hadi ee ahaa in dalalka Carabtu ka taageeraan sidii Yemen loogu soo dabbaali lahaa nabad iyo xasillooni.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aansatay arrimaha soo socda:

1- In midnimada dalka Yemen iyo nabad gelyadiisa dhuleed ay tahay lama taabtaan.
2- Waxaan adkeyneynaa in ay waajib ku tahay dhammaan dhinacyada isku haya Yemen , ka qeyb galka shirka Wada Xaajoodka Qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha Yemen Abdi Rabou Mansour Hadi.
3- Waxaan bogaadineynaa boqortooyada Sacuudi Carabiya oo fidisay gogosha wada xaajoodka reer Yemen.
4- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay taageereysaa tallaabooyinka Boqortooyadad Suucuudi Carabiya iyo xulafadeedu qaateen ee ujeedkeedu yahay in aan Yemen lugaha la gelin dagaal sokeeye iyo degganaansho la’aan aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto.

no images were found


5- Waxaan ku garab taagannahay dowladda Yemen dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay ku cayaaraan amniga iyo xasilloonida Yemen, Soomaaliyana waxay diyaar u tahay in ay waayo aragnimadeeda iyo awoodeheeda arrintaas la xiriira ku biiriso Yemen , si looga guuleysto argagixisada.
6- In aan dowladda Yemen iska kaashanno ka hor tagga falalka burcad-badeednimo ee dhammaanteen na dhibaya, si loo sugo ammaanka marin badeedka muhiimka ah ee Baabul Mandab.

Dhammaaad

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online