Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka oo la kulmay maamulka Gobalka Bari iyo kan degmada.[Masawiro]

March 4, 2015 - Written by Editor

20Boosaaso:-Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ”Qaad-diid” oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socda Jaamacadda Bariga Africa iyo Mu’asasada Al-Min haaj ayaa maanta oo Arbaco ah shir kula yeeshay xarunta Gobalka Gudoomiyaha Gobalka Bari, iyo ku simaha duqa magalada Bosaaso.

Ahmiyada shirkan ayaa ah sidii looga wada tashan lahaa qabsoomida shirwayne qaran oo looga arrin-sanayo dhibaatooyinka uu qaadku u hayo bulshadeena Soomaaliyeed, kaasoo ka dhacaya magalada Bosaaso.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Mudane Cabdi-samad Maxamed Gallan ayaa soo dhaweeyay Olalaha la-dagalanka Qaadka oo ka bilowday deegaamada Puntland, wuxuna sheegay inay taageersan yihiin kulamada wacyi galinta ah ee ka socda magalada Bosaso, Gallan ayaa Abuukar Cawaale ku booriyay inuu sii xoojiyo farrimaha uu wado.

Dhinaca kale Abuukar Cawaale ayaa saakadii hore booqday Dugsiga sare ee Bosaso, halkaasoo uu Ardayda dhigta ku gaarsiiyay wacyi galinta Qaadka.

Mamulaha Iskuulkaasi oo la yiraahdo Siciid Cismaan (Fiisikis) ayaa yiri” waxaan aad u soo dhawaynayaa annigoo ku hadlaya magaca mamulka,macalimiinta iyo Ardayda iskuulka Olalaha la-dagalanka Qaadka waana arrin loo baahan yahay in laga wacyi galiyo shacabka”.

Cawaale ayaa ardayda ku booriyay inay addeeg-sadaan awoodooda isla markasna go’aan ku gaaraan inay wacyi galinta joojinta Qaadka ku baahiyaan xaafadaha magalada Bosaso.

Ardayda Dugsiga sare ee Bosaso Public ayaa dhankooda balan qaaday inay samayn doonaan boorar ku qoran farriimo wacyi galin ah oo ka hadlaya dhibaatooyinka qaadka iyo sida fudud ee ay dalalka Kenya iyo Itoobiya u gurtaan dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

Shacabka Gobalka Bari ayaa soo dhaweeyay Olalaha la-dagalanka Qaadka kaasoo markiisii ugu horeeyay ka bilowday Soomaaliya.

no images were found

Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online