Danjire Yuusuf Maxamed Ismail Bari Bari oo aas qaran loogu sameeyey Garoowe.[Masawiro]

March 29, 2015 - Written by Editor

IMG_2772 (1)Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikh du tahay 29-3-2015 ka qeyb-galay aas-qaran oo magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland loogu sameeyey Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari oo ahaa Safiirki Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Madaxweyne Gaas ayaa tagey Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe oo laga soo dejiyey meydka Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-bari oo lga keenay magaalada muqdisho oo ah halka lagu dilay marxuumka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, wefdi balaaran oo uu hogaaminayey Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir oo isugu jiray wasiiro iyo xildhibaano, Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Aqoonyahan, ehelada Marxuumka iyo masuuliyiin kale ayaa iyana ka qeyb-galay aaska qaran.

Meydka Marxuumka ayaa markii laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe kadib loo soo gudbiyey qabuuraha magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland, waxaana halkaas salaadi jinaasada ku tukaday Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiinti kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa alle uga baryey marxuumka in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo kitaabkiisana uu gacanta midig uga dhiibo, samir iyo iimaan buuxana Alle uu ka siiyo dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, ehelkiisi iyo asxaabtii uu ka baxay.

” Yuusuf waxaa uu ahaa Danjire qaran, waxa uu ahaa howlkar, waxa uu ahaa nin daacad u ah Soomaaliya, jecel Soomaaliya in ay isbadasho jecel Soomaaliya in ay meel fiican gaarto, wakhtigiisa inta badan howshaa qaran ayuu ku biyey ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Saaxibo gaar ah oo muddo dheer wada shaqeeyay ayaanu ahayn howlo badan wada qabtay, waxyaabaha runtii uu caanka ku ahaa oo dadka Soomaaliyeed aysan ogayn oo isaguna mar walba ku dadaali jiray waxa ay ahayd ilaalinta xaquuqul insaanka ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in muhiim tahay in meel looga soo wadajeesto cadowga dilay marxuumka ee caadaystay daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed, hal doorka Soomaaliyeedna maalinba mid dilaya sida uu sheegay Madaxweynuhu.
” Waxaan kaloo rabaa inaan udiro fariin dawladda Federaalka Soomaaliya oo ah dadkaasi ah wax ku oolka Soomaaliya oo runtii maalin walba moodo in xamar lagu laynayo in amnigooda la sugo xil gaar ahna layska saaro ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari oo ahaa Safirkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa 27-kii bishan u geeryooday dhaawac ka soo gaaray weerar koox hubaysan ay ku qaadeen Hoteelka Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online