Maxaan ku arkay darsiga Sh.Xasan Bookh Masjidka Cumar binu Khadaab ee Qardho.[Masawiro]

March 25, 2015 - Written by Editor

٢٠١٥٠٣٢٣_١٨١٩٣٥Qardho:-Xalay oo ku beegnayd habeen talaado ah 23/03/2015 ayaan waxaan xaadiray darsiga tafsiirka ah ee ka socda masjidka wayn ee Cumar binu Khadaab ee magaalada Qardho, waxaa akhriyay Sh.Xassan Maxamed Muuse ( Bookh ) waxaa la socday oo masjidka xaadir ku ahaa bulsho ka faa’iidaysanaysay oo iskugu jira Duqow iyo Dhalinyaro heer walba leh, waxaa kale oo si toosa Idaacadda Qur,aanka kariimka ee magaalad Qardho uga la socday bulshada Qardho ku nool badankood, hareera masjid ka iyo bananada u dhow dhow waxaa gaarayey Microfoonka oo aad u cod dheeraa, casharku waxa uu maryeyey suurada ( سورة الشورى ) waxaa uu sheekhu ka bilaabay aayada No 32 ilaa iyo dhamaadka suurada , haddaba aniga oo xaadir ku ahaa masjidka bilogii casharka ilaa iyo dhamaadkii waxaa aad ii soo jiitay oon ku arkay qodobadaan :-

1. Xuduurka masjidka oo camirnaa oo ka bedelnaa sidda indhowayd magaalooyinka lagu arkaayey.

2. Dadka dhegaysanaya darsiga oo da, walba lahaa qayb kuraas ku fadhida macnaha uu dhibayo fadhiga hoose iyo dhalin yaryar intaba.

3. Dhegaha iyo qalbiga xuduurka oo aad ula socday sheekha iyo tafsiirku suu u socdo.

4. Sheekha oo ay ka muuqatay (ilaahay ha xifdiyee) diyaarin aad u saraysa iyo fiqi dheeraada oo ku saabsan casharka
Sheekha oo tusaalayaal dadku ay fahmi karaan ku bixnaayey tusaalayaasha.

5. Xasiloonida iyo jabaq yarida oo heer cajaaib le ahayd, iyo nadaafada dhamaan masjidka maraafiqdiisa iyo gudihiisba ka muuqatay.

Tafsiirka oo sheekhu soo bilaabay 15/01/2014 oo ilaa iminka aan kala go,in ama joogsan marka laga reebo bishii ramadaan oo nafaxaadkale iyo duruus loo diyaariyey la galay sida xogta la igu siiyey.

Darsiga maxaan ka fahmay ?

Darsiga intaan dhegaysanayey waxaan ka fahmay oo aad ii galay tilmaamaha ay ku sifaysan yihiin dadka eebe wayne aktiisa waxa yaal oo janada ah dhaxlaya, tilmaamahaas oo darsiga bilawgiisa aayadaha ah Alle ku sheegay waxay gaarayeen 9 tilmaamood:

1. In ay yihiin mu,miniin oo iimaan khaalisa laga helay

2. Waa kuwo Alle keligiis Tala saarta oon milicsan meel kale

3. Waa kuwa ka fogaada danbiyada kuwooda waawayn iyo fuxshiga

4. Waa kuwa goorta laga carasiiyo dadka ku aabi falay iska dhaafa oo cafiya

5. Waa kuwa ajiiba oo maqla Allahood

6. Waa kuwa ooga salaada oo dhamaystira shuruudeeda iyo waajibaadkeeda

7. Waa kuwa taladoodu iyo arinkooda wada tashi ku dhisan yahay

8. Waa kuwa bixiya oo sadaqaysta Allaah waxa uu siiyo

9. Waa kuwa marka lagu gardaroodo aarsada ( gaystana intii loo geystay oon siyaado samayn) Qofka dhaafa oo hadana wanaag ugu dara kii ku gardarooday kaa abaalkiisa Allaah ayuu korkiisa ahaaday.

Haddaba dhamaan akhyaarta akhristayaasha waxaan kula dardaarmi lahaa inaan iska fiirino tilmaamahaas, haddaan haynana xagsano hadaynaan hayna raadino si aan u rajayno inaan kuwa dhaxlaya janada uga mid noqono.

no images were found

Mohamed Abdulaahi
Qardho,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online