Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka qeyb galay kulan looga hadlayey Hiigsiga 2016

March 4, 2015 - Written by Editor

1Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa saaka shir gudoomiyey kulan looga arinsanayey dar dargalinta barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) kaas oo soo bilowday bishii September 2013.

Shirkaan ayaa waxaa isugu yimid safiirada qaar ka mid deeq bixiyayaasha, Wakiilo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Agaasimaha u qaabilsan dowladda arrimaha New Deal-ka iyo La taliyayaasha Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga mudane Cabdiraxman Caynte ayaa oo saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in gudi ka koobana todobo wasaaradood loo xilsaaray dabagalka iyo isku duba ridka Higsiga Cusub.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu magaacabay guddi wasiiro, oo kala ah Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhiga, Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Gudaha. Wasaaradahaas ayaa ka shaqayn doona la socodka barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal), waxaana hogaanka isku duba ridka deeqaha dalka la keeno yeelanaysa Wasarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga”ayuu yiri Wasiir Caynte

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay qaaday talaabooyin wax looga qabanayo amniga, ayna wiiqantay awoodii kooxaha nabad diidka, kuwaas oo laga xoreeyey dhul faro badan.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa iney iga go’an tahay sii wadida howlihii baaxada lahaa ee socday, sida xoraynta iyo xasilinta dhulka ku harsan gacanta nabad diidka, dhamaystirka maamul u samaynta gobolada dalka. waxaana xusid mudan in hada xukuumadu ku mashquul san tahay sidii loo yagleeli lahaa maamulka laga hirgalinayo gobolada dhexe, waxaa intaa bar bar socda dhiiri galinta shirka dib u hesiisiinta ee ka socda Dhuusamareeb oo hada maraya meel gabo gabo ah” ayuu yiri RW Cumar.

“Waxaa sidoo kale xaqiiq ah iney na sugayso howl badan iyo waqti xadidan, lakiin taageerada aan ka helayno shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka anagoo kaashanayna ayaan ku rajo weynahay iney noo suurta gasho inaan si dhaqso ah u qabano shaqo badan” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kalana xusay inuu balan qaadayo ka dhabaynta qaabkii u shaqayn lahaa Higsiga Cusub.

no images were found

Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada warbixin looga siiyo wixii ka qabsoomay barnaamijka higsiga cusub mdudadii uu socday, caqabadaha hortaagan, sida uu uga hirgalay gobolada dalka iyo sidii loo dar dar galin lahaa qaybaha uga aadan dhamaystirka aragtida 2016.

—-Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online