Sh Mustafe Xaaji Ismail oo safar dacwadeed ku tegay Sudan.[Masawiro]

March 1, 2015 - Written by Editor

DSC06493Sudan:-Waxaa habeenibadii Jimcaha booqsho iyo safar dacwadeed ku soo gaaray dalka Sudan sheekheena wayn Sheekh Mustafe Xaaji Ismail Haaruun oo ah ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ah.

Waxaa shiikh ku qaabilay madaarka wayn ee caalamiga ah ee Khartum ee dalka Sudaan dad aad u tirabadan oo isugu jira ardayda, aqoonyahanka iyo madaxda jaaliyada ku nool dalka Sudaan halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dhamaan dadkii ka soo qayb galayna uu gacan qaaday.

Ka dib shiikha waxaa loo kaxeeyay hoyga u ka dagay magaalada Khartum halkaas oo isla markina uu kulan gaaban oo soo dhawayn ah kula galay xubnaha ugu sareeya jaaliyada iyo odayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sudaan , ismarxabayn iyo soo dhaweyn ka dib shiikhu iska nastay maalin ,intaas ka dib shiikhu wuxuu kulan casho sharaf aad u balaaran la yeeshay 80 qof oo ah inta ugu muhiimsan ee jaaliyada kuwaas oo isugu jiray :-

– Safaarada Soomaalida .

– Odayaasha Jaaliyada .

– Ganacsato .

– Maclimiinta Soomaliyeed ee jaamacdaha wadanka wax ka dhiga .

– Itixaadka guud ee Ardayda Soomaaliyeed .

– Ururada iyo rawabida .IWM .

Waxaa xusid mudan in ay xaflada ka hadleen dad aad u tiro badan sidda Qunsulka safaarada Soomaaliyeed ee dalka Sudan (amstor : guure), waxaan kale oo ka hadlay isaguna u qaynsanaha safaarda Soomaaliyeed ee Sudan arrimaha tacliinta iyo hidaha iyo dhaqanka (ambstor c/qaadir guullane) , waxaa isaguna afka jaaliyada guud ku hadlay mudane (Aadm Sanay) oo ah ku xigeen ka gudoomiyaha jaaliyada , waxaa ku hadlay magaca ardayda somaliyeed (mudane c/razaaq burtinle).

Ugu danbayntii shiikha ayaa soo jeediyey waano iyo wax u sheeg iyo baraarujin meelo badan taabatay gaar ahaan dhinac diinta iyo wadaniyad ahaanba, Sh Mustafe Xaaji Ismail ayaa waxaa kale oo uu ka jawaabay su aalo ay waydiyeen ka soo qayb galyaashu
kulanka, intaas ka dib kulankii shiikha ee ay jaaliydu u qabatay wuxuu ku soo idlaaday jawi aad u qurax  ilaahay fadligii .

Fiiro Gaar ah:-
Insha allah waan idiin soo gudbin doonaa dhamaan muxadraadkii Sheekh.Musfate Xaaji Ismail oo duuban iyo nashadaadkiisiiba inta uu ku sugnaa Sudaan .

no images were found

Wabilaahi al-tawfiiq
By.Xassan Muse Nuux
khartum, Sudan

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online