Weeraro xagga cirka ee lagu qaadayo xarumaha Xuutiyiinta oo wili socda

March 26, 2015 - Written by Editor

YEMEN-HUTHI-DEMOSanca:-Xaalada dalka Yemen ayaa saaka hal mar gashay dagaal toos ah oo u dhexeeya wadamada ku bahoobay gacanka Khaliijka   iyo kooxda Xuutiyiinta ee Shiicada oo ay taageereyso dowlada Iran.

Wararkii ugu danbeyeey ee ka imaanaya magaalada Sanca ayaa sheegaya in difaacyadii cirka ee kooxda Xuutiyiinta la burburiyey intoodii badneyd ayna hawada dalka Yemen ay la wareegeen  ciidamada cirka ee wadamada Khaliijka oo ay ugu horeyso dalka Sacuudiga .

Diyaaradaha ka qeyn qaadamaya duqeynta ku socota magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen iyo magaalooyinka Tacis ,xudeyda iyo sacd oo ay heystaan kooxda xuutiyiinta ayaa waxaa ay ka kala socdaan wadamada  Sacuudiga , imaaraadka, Qadar, Kuwait,Baxreyn .

Wararka ay goordhow sii deysay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay cadadka diyaaradaha dalalka ka qeyb qaadanaya duqeyna Yemen waxayna kala yihiin.

dalka Sacudiga 100 Diyaaradood
dalka Imaaraadka 30
dalka Qadar 15
dalka Kuwait 8
dalka Baxreyn 8
Warar aan wili la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo gaaraya 3000 oo ka tirsan ciidanka Kumaandooska dalka Masar ay ka soo gudbeen baaba Mandab iga ku sii jeeda  xeebaha koonfureed ee dalka Yemen waxaa kale oo ay warbaahinta sheegaysaa in ciidamo sacuudiyaan ah ay xadka ka soo dhoobteen iyaga  oo taageero siinaya qabaailka suniga ah ee diidan kooxda xuutiyiinta .

Amiirka dalka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdi Casiis Al Sacuud ayaa amar ku bixiyey in ciidamada dalka Sacuudiga ay talaabo ka qaadaan kooxda Shiicada ee Xuutiyiinta .

Dhanka kale Bayaan ka soo baxay dowladaha ku bahoobay gacanka Khaliijka ayaa waxay ku sheegeen in ay ka jawaabeen codsi uga yimid Madaxweynaha dalka Yemen iyaga oo sheegay in ay badbaadinayaan dowlada iyo shacabka Yemen .

Wadamada Masar,Turkiya ,Maroko , Sudan Urdun iyo Pakistaan ayaa sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan duulaanka ka dhanka ah kooxda xuutiyiinta .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online