Madaxweynaha DFS oo kulan xasaasi la qaatay saraakiisha ciidanka DFS

December 31, 2015 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay kulan xarunta wasaaradda difaaca ee Soomaaliya ay ku yeesheen saraakiisha ciidanka qalabka sida ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka xooga dalka, Taliyaha booliiska, Taliyaha hey’adda nabad sugida , Taliyaha ciidanka Asluubta iyo Saraakiil kale iyadoo kulanka uu yahay mid maalinta kasta oo Khamiis ah lagu qabtay xarunat wasaaradda gaashaadhiga.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen dhamaan ciidamada qalabka sida marka ay sameynayaan howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalka.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu horeyn madaxweynaha warbixin ka siiyay kulamada maalinta Khamiista ah ay isugu yimaadaan saraakiisha ciidanka qalabka sida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka khudbad dheer ka jeediyay ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha badan oo quseeya amniga wadanka iyo sidii loo tayeyn lahaa ciidanka qalabka sida ee dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in meesha laga saaro wada shaqeyn la’aanta ka dhex jirta ciidanka qalabka sida isla markaana saraakiisha looga fadhiyo in ay wax ka qabtaan khaladaadka jira.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka qalabka sida sanadka soo socda looga baahan yahay in ay la wareegaan ammaanka guud ee wadanka si looga maarmo ciidamo shisheeye, waxaana saraakiisha uu maanta la kulmay uu ku adkeeyay in ay sugaan difaaca wadanka,

—–Dhamaaad—

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online