Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageertay Mowqifka dowladda Sacuudiga ka qaadatay Iran

January 4, 2016 - Written by Editor

hadliyeMuqdisho:-War murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareyey weerarkii shalay loo geystay safaaradda dalka Sucuudiga ee taa magaalada Tehran iyo weliba dhismaha qunsuliyadda dalka Sucuudiga ee magaalada Mash-had ee dalka Iran.

War murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in weerarka loo geystay safaaradda dalka Sucuudiga ee Tehran ay tahay xadgudub agu jabiyey heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee sanadkii 1961-kii lagu gaaray magaalada Vienna, heshiiskaas oo ahaa in la ilaalada xarumaha iyo shaqaalaha diblomaasiyadeed.

Dhinac kale War murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu taageeray go’aanka dowladda Sucuudiga iyadoo dowladda Soomaaliya ay taageertay dagaalka ay boqortooyada Sucuudiga ay kula jirto argagixisada, iyo cid walba oo wax u dhimaysa amnigeeda.

Hoos ka akhri War murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya

no images were found


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online