Madaxweynaha dowladda Puntland iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo kulmay.[Masawiro]

January 27, 2016 - Written by Editor

IMG_0653-1Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii la socdey ayaa maanta 27-Jan-2016-ka ku qaabilay Xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Soomaaliya Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo kuxigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo Wakiilka xog-haya guud ee qarammada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa kulankooda waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaa ka mid ahaa shirka Madasha wadatashiga qaran iyo sidii laysugu soo dhoweyn lahaa aragtiyaha kala duwan ee madaxda soomaalida ee ku saabsan nooca doorasho ee la doonayo dalka in ay ka qabsoonto.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Michael Keating sheegay aragtida shacabka Puntland ee ku qotonta qaabka loo soo xulayo baarlamaanka dalka taas oo ah qaab Deegaan si loo helo metelaad shacbi oo dhab iyadoo aan la hilmaamayn xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale u sheegay wakiilka Xog-haya guud in Puntland ay marwalba u heellantahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabkeeda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Michael Keating ayaa sidoo kale kulankooda ku xusay in doorashooyinka dalku ay waqtigooda ku qabsoomaan isla markaasna aanay Puntland aqbali doonin wax muddo kororsi ah.

DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online