Madaxweynayaasha DFS iyo Puntland oo Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay boqollaal arday.[Masawiro]

January 9, 2016 - Written by Editor

IMG_7651Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii kasoo qayb gashay kulanka uga sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyo doorka ay kaqaadan karto aqoontu dhismaha iyo horumarka dalka. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda kor u qaadaan oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan wax-barashada si’ay uga qayb qaataan horumarka dalka maadaama ay yihiin jiilkii beddeli lahaa jiilashii hore.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliy Xassan Sh.Maxamuud ayaa geestiisa ardayda uga sheekeeyey muhiimadda wax-barashadu leedahay isagoona xusay in waqtigiisa intiisa badna uu macalinnimo kusoo qatay isla markaana ay xiiso gaar ah u leedahay maanta inu halkaan kula kulmo arday aad u tira badan oo ka kala socda jaamacado kala duwan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyoguddomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi  ayaa intaasi kadib waxay Garoonka Caalamiga ah ee Bosaso International Airport kusii sagootiyeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo u amba baxay magaalada Muqdisho.

no images were found

 —DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online